Faahfaahin dablay weerartay Saldhig Boolis oo ku yaal Boosaaso

February 4, 2015 - Written by Editor

askarboosaasoBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya saaka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in xalay dablay hubaysan oo gaaraysa 5 dhalinyaro ah ay Bam gacmeedyo iyo rasaas huwiyeen Saldhiga Booliska ee Baalade ee Boosaaso.

Saldhiga Booliska Baalade  ayaa waxaa uu ku yaal Waqooyi Galbeed ee Boosaaso gaar ahaan Xaaafadda Baalade waan Saldhig Boolis oo aad u yar waxaan xiliga weerarku dhacay ku sugnaa Saldhiga saddex askari oo mid ka mid ah uu weliba ka shaahaynayey goob ka durugsan Saldhiga.

Dablayed weerarka geysatay ayaa waxaa ay gubeen gaari Boolis oo yaalay dibada hore ee Saldhiga waxaan iska horimaad uu dhexmaray labo askari oo ku sugnaa Saldhiga oo ku guulaystay in ay iska difaacaan dableydii soo weerartay Saldhiga Baalade.

Kooxda dablayda ah ayaa goobta ka baxsaday iska horimaad kooban ka dib waxaan goobta soo gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan Puntland iyagoo bilaabay howl galo ay ku raadinayaa dablaydii fulisay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiga Baalade.

Ila hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dhacdadii xalay balse dadka odorasa  siyaasada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jabhadaha ayaa ku tilmaamay weerarrada Bamgacmeedka ah iyo Arbushka ay Al-shabaab iyo taageerayaashooda ay ka samaynayaan Boosaaso iyo Gaalkacyo in ay tahay in taageerayashooda u sheegaan in aan weli la wiiqin awoodoodii oo ay weli nool yihiin dagaalna ay kula jiraa Ciidanka Dowladda Puntland oo iyagu horay u sheegay in awoodii Al-shabaab ay wiiqeen ka dib dagaal ka dhacay Buuraha Golis.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online