Fatwada Culimada ay ka soo sareen Shirkada TEINS (Akhriso waa Muhiim)

February 12, 2015 - Written by Editor

6Burco:-Kulan ay isugu yimaaden culimada gobalka togdheer oo ay kaga hadlayeen arinta ku saabsan mucaamalada kala duwan ee ay samayso shirkada TEINES iyo shirkadaha kale ee wata magacyada kale ee ay isku macaamilada yihiin oo baryahan danbe aad ugu soo noqnoqnayasay hadalhaynteedu dhagaha mujtamaca isla markaana colimada aad loo waydiinaayay ayaa culimadu kadib kulamo iyo wada hadalo ay layeesheen qaar ka mid ah masuulinntan shirkadan iyo waliba baadhis badan oo ay ku sameeyeen culimadu masaladan iyo qaababka kala duwan ee ay u hawlgasho sida nooca loo yaqaano (HARAMI / SHAJARI) iyo waxyaabaha ku xeeran oo dhan .ayaa culimadu waxa ay soo saareen FATWO ay isku waafaqeen oo ah in ay mucaamalada shirkadani (TEINS) ku shaqayso uu yahay XAARAAM ah sababahan aw good.

1. Mucaamilada shirkadan Asalkeedu waa lacag lagu iibsanaayo lacag taasina waa RIBO , maxaa yeelay xubinta kusoo biiraysaa waxay bixinaysaa lacag yar si ay uhesho lacag badan ( قال الله تعالى: { وأحل الله البيع وحرم الربا
2. Mucaamaldani waxaa ku jira Khiyaamo & Dagid maxaa yeelay Qofku ma oga in uu ku guulaysan doono tiradii dadka ahaa ee loo diray iyo in kale, waxaa marag madoonto ah in dad badani ku hungoobeen in ay soo helaan tiradii laga rabay sidaasna ay ku khasaareen, Nabigeenuna Baycaas dagidda ah (بيع الغرر) waa uu xaaraantimeeyay (SCW) sida ku sugan Saxeexul Muslimka.
3. Alaabada ay shirkadani iibiso maaha maqsuudka dhabta ah ee loo jeedo laakiin waa Daah lagu qarinaayo ujeedada dhabta ah ee loo socdo oo ah in lahe lacag.
4. Macaamiladani waxa ku jirta nooc KHAMAAR ah waayo Qofku waxa uu dhiibayaa lacag si uu ugu helo mid kabadn hadii uu soo helo cadadkii loo diray hadii uu soo waayana waxba malaha.

5. Mucaamaladan waxaa ku jirta Qish iyo in xoolaha dadka lagu cunno si baadil ah Allaah-na wa uu Quraankiisa ku yidhi:

no images were found

{ ولا تأكلوا أموالكم بينكم بالباطل }.
6. Mucaamaladan waxaa ku FATWOODAY xaaraantinimadeeda Culimo iyo Gudiyo Caalami ah oo ay ka kimid yiin
A. Lajnada joogtada ah ee FATWADA ee sacuudiga
B. Kulanka FUQAHADA ee Suudaan
C. Lajnada FATWADA ee Urdun
D. Guriga Culimada FATAAWADA ee Falastiin.
E. Waxa kale oo jira Baadhis iyo Daraasado g/gaar ah oo ay sameeyaan Culimo kuna sheegeen Xaaraantinimada Mucaamaladan waxaana ka mid ah
• شركات التسويق الشبكي دراسة فقهية مقارنة.عمار الضلاعين.
• التسويق الشبكي تكييفه وأحكامه الفقهية. بندر الذيابي.
Ugu danbayn Culimada Burco waxay ku boorinayaan Dadka ku hawlan mucaamiladan ay bixiso shirkada TEINES inay ALLAAH ka Baqaan kana waantoobaan waxan ay faraha kula jiraan ee XAARAANTA ah iyagoo xasuusanaaya hadalka Allaah ee ah:
{ومن يتق الله يجعل له مخرجا. ويرزقه من حيث لا يحتسب}.
Sidoo kale waxay Culimadu ku boorinayaan dadka u macaamila doonta ama wax ku darsada shirkadan in ay ka joogsadaan farahana ka qaadaan la macaamilida Shirkadan (TEINES) iyagoo Allaah ka Baqaaya kana toobad keenayaa wixii horre ee ka dhacay.

MAGACYADA CULIMADA
1. Sh. Cali Warsame Xasan
2. Sh.c/kariim xasan xoosh
3. Sh. Iimaan Maxamed Diiriye
4. Sh.Faysal Cali Faarax
5. Sh.Maxamed Shukri Xasan
6. Sh.Cismaan Maxamed Ismaaciil
7. Sh.Mawliid Axmed Xasan
8. Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
9. Sh.C/Qani Aw Saalix Cali
10. Sh.Dr.Xasan Sh.Cali Warsame
11. Sh.dr.faysal maxamed calmi
12. Sh. C/laahi Daair jaamac
13. Sh.Mustafe Aadam Maxamed
14. Sh.Ibraahim Jaamac Axmed
15. Sh.Jaamac Cismaan Axmed
16. Sh.Cali-Mawliid Maxamed Axmed
17. Sh.faarax c/laahi cilmi
18. Sh.Rashiid Xaaji Aadam
19. Sh.C/laahi Khaliif Jaamac
20. Sh.Kamaal Cismaan Ducale
21. Sh.Mukhtaar Aadam Maxamed

Musasat Al-Karam
Burco.

Sheekh Cali Maxamed Saalax Xafidahulaah ayaa horey uga hadlay Hoos ka Daawo

Ama Halkan ka Dhageyso Sheekh Cali Maxamed Saalax oo ka hadlaya isla mowduuca

Waxaa sidoo kale ka hadlay Shirkada TEINS Sheekh Maxamed Xaji Yuusuf oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland Hoos ka Daawo.

Maamulka Halgan.net
Burco

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online