Guddoomiyaha baarlamaanka DFS oo laga gudbiyay mooshin

February 8, 2015 - Written by Editor

jawaari1Muqdisho:-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS oo gaaraya 100 ayaa mooshin ka gudbiyay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka waxaana qoraalka ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka DFS ay ku dalbanayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuusan shir guddoomin fadhiga berri ee baarlamaanka uu kalsoonida ugu qaadayo Xukuumada Raisulwasaare Sharmaarke.

Xildhibaannada Mooshinkan gudbiyey ayaa mujiiyay inaysan ku kalsoonaan karin in maalinta birito ah uu shir-gudoomiyo Jawaari golaha baarlamaanka DFS.

Mooshinka ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan DFS ayaa waxaa uu qornaa sidan.

“Mudane Gnddoomiye Kuxigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo Mudanayaal, annagoo ah Xildhibaanada Magacyadooda iyo Saxeexyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir guddoonka Golaha Shacabka ee uu nooga ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS sababo jiro awgood kuwaasoo ah sidan:-

1. Markaan aragnay in aadan siineynin tixgelin haba yaraatee aragtida Xildhibaanada aad kalsoonidooda kursiga ku fadhido

2. Markaan aragnay inaadan hoos u fiirineynin kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee ka dhexjirta wakiilada Shacabka adiga 00 xog ogaal dhaba u ah.

3. Markaan darsinay inaad indhaha ka xiratay dhagahana ka fareeysatay in Xukuumad wadaag ah dalka loo dhiso, sida ay Golaha Shacabka JFS ka jeediyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisal Wasaarihii au soo magacaabay kolkii kalsoonida Golaha looga dalbanaayey si uu u soo dhiso Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad wadaag.

4. Markaan aragnay in aad la wadaagtay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inaad lasoo dhisato xukuurnad aad

3-diina wadaagteen, sida aad ka hor qiratay Xildhibaanada kudladaha kulankii aad la qaadateen guddoonkiina ayadoo ay ku hareer fadhiyaan Kuxigeenka 1-aad iyo Kuxigeenka 2-aad taasoo aad si bareer ah ugu hor qiratay waliba adigoo kusii adkeystay in haddii ay kalsooni heli weysana aad kusoo celin doonto xubnihii aad la dhisatay adigoo ku dhiiranaaya mudanayaasha hortooda iyo Kuxigeenada taasoo dhakafaar nagu noqotay daneysiga danihiina gaarka ah 00 aan ka tu$umeynin danta guud iyo maslxada shacabka.

5. Markaan aragnay qodobada qaanuuniga ah sida Dastuurka KMG

Q.65 — F.3aad, iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Qodobka 9-aad F. 5-aad sababaha iyo awoodaha hay’adaha dowlada adigoo aan dhexdhexaad ka noqoneynin sida aad markasto uga milanto una fiirineynin sida danta, dalka iyo diinta ay ku jirto iyo dhowris la’aanta dastuurka, Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

6. Markaan xaqiijinay ka waantoobid la’aanta danahaaga gaarka ah, Ayaan waxaan soo jeedintaan (Mooshin) u keenay in aanan ku kalsoonaan karin shir guddoomintii Golaha Shacabka aan kuu dooranay adigoo ahaa Mudane anaga nala mid ah sidaas daraadeedna maadaama dalka uu maraayo marxalad aad u qalafsan 00 mugdi gelineysa hiigsiga 2016 sidii lagu gaari lahaa dalkana loogu ansixin lahaa xukuumad kasbata kalsoonida Xildhibaanada Golaha Shacabka si ay horay ugu guda gasho howlaha laga sugaayo hey’adda fulinta (Xukuumadda) sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016 taasoo aysan mudanayaashu ogolaaneyn in ay Madaxda Qaranka soo xusheen cidii danahooda kaliya ugu shaqeyn laheyd una fulin laheyd aragtidooda iyo rabitaankooda kaliya taasoo ah mid aan si wada jira loo wada wajihi Karin, shaki weyna galineysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dunida dacaladeeda ka joogaan taasoo ay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan meesha 100 socda taasoo ay doonayaan in ay dad qaas kaliya wax og yihiin ama koox gaara ay wax og yihiin ama ay danley ku heshiisay.

Sidaas daraadeed kuma kalsoonaan karno shir guddoonka Golaha Shacabka JFS inta lagu jiro xaaladaan qalafsan waa inaad ka degtaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS maadaama aad lumisay kalsoonida Xildhibaanada.halka hoose qoraalka oo labo ah ka furo,

Magacyada xildhibaanada ayaan la soo bandhigin .

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online