Kuma ayuu ahaa ninkii weerarka ka geystay magaalada Copenhagen.[Masawiro]

February 17, 2015 - Written by Editor

2Copenhagen:-Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaa uu ku dhashay dalka Danmark bishii September 1992, Omar waxaa uu ku koray oo ku noolaa caasimada Danmark ee Copenhagen waxaa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Falastiin, Hooyadiis iyo Aabihiis waa ay kala tageen waxaan la dhashay wiil ka yar.

Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaa uu dhigtay dugsiga dhexe walow uusan hellin shahaadadda fasalka 9aad, intaas ka dib waxaa uu ku dhamaystay dugsiga sare [HF] qaybtii danbe xabsiga waxaan uu hellay natiijo fiican isagoo isku dayey in uu galo Jaamacadda uuna barto cilmiga IT-ga balse kuma guulaysan.

Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaa la xukumay dhowr jeer ka dib marki uu galay falal danbi ah waxaan uu qayb ka noqday koox dhalinyaro ah. bishii November 2013 ayaa waxaa uu Tareen dhexdiisa waxaa uu tooray galiyey wiil kale oo dhalinyaro ah oo da’diisu ahayd 19 sanno jir isagoo ku dooday markii Maxamada la geeyey in uu u hanjabay.

Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaa la xiray waxaan lagu eedeeyey in uu sameeyey isku day dil qof , 23 janaayo 2014 ayaa haddana waxaa la xiray mudo ka dib markii la soo daayey.

19. december 2014 Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaa lagu xukumay labo sano oo xariga ka dib markii lagu eedeyeye ku xadgudub dhinac hubka ah iyo gadoob falo khatar ah balse waa la soo daayey ka dib markii falalkiisa lagu sheegay in uusan ahayn mid ula kac ah.

Khabiir dhinac cilmi nafsiga oo wax laga wiidiiyey Omar Abdel Hamid El-Hussein waqtigaas ayaa sheegay in ay jirta walwal iyo deganaasho la’aan haystay omar balse ay arrinkaas ugu wacnayd qaadasho mukhaadarad ee uusan ahayn qof waalan ama xanuunsan.

Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaa waxaa uu ahaa nin dhalinyar ah oo ay laamaha amaanka dalka Damark ay yaqaaneen dhowr jeer oo horayna ay xireen ayna ogaayeen in koox Baando dhalinyaro ah uu ka mid ahaa.

Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaa Usbuucyo joogay dibad ka dibna waxaa uu ku kacay weerarkii uu la beegsday xarun dhaqan ee Krudttønden oo ku taal xaafadda Østerbro ee Copenhagen.

Xiliga weerarku dhacay xarunta dhaqan ee Krudttønden waxaa ku sugnaa Farshaxamiiste Lars Vilks oo ahaa farshaxamiiste sameeyey masawiro kartoon ah ku aflagaadeynayo nabigeena Maxamed NNKH iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Denmark.

Khubaro iyo wariyaal iyo saaxbadiisii Skuulka oo saxaafaddu ay wax ka wiidiisay qofka uu ahaa Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaa dhamaantood xuay in uu ahaa shaqsi  aan lagu tiirin Mutadayin ama wax ay ugu yeeraan reer galbeedka xagjir balse waxaa la xusay marka dood ay timaado skuulka in ahaa mid aan jeclayn Yahuuda.

Ehelka Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaan ilaa hadda ka hadal saxaafadda  iyagoo aan ka hadal weerarka uu fuliyey wiilkooda iyo sababah ay is leeyihiin waa ku xambaartay.

Hoos ka eeg Masawirada Omar Abdel Hamid El-Hussein oo ay soo bandhigeen saxaafadda dalka Danmark

no images were found

Source: Wargeysyadda Danmark

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online