Xarun dhaqan oo ku taal Copenhagen uuna ku sugaa Lars Vilks oo la weeraray
February 14, 2015 - Written by EditorDenmark:-Rag aan haybtooda la garanayn ayaa weeraray galabata xarunta dhaqanka “Krudttønden ‘ee Copenhagen halkaas oo uu ku sugnaa mwaadin u dhashay Sweden oo la yiraahdo Lars Vilks oo ahaa farshaxamiiste sameeyey masawiro kartoon ah ku aflagaadeynayo nabigeena Maxamed NNKH.
Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 askari waxaana kacsan xaalada xarunta dhaqanka halkaas oo lagu kala cararay. Ragii Weerarka soo qaaday ayaa waxaa ay ku hubeysnaayeen hubka darandooriga u dhaca sida uu sheegay wargeysk ka soo baxa dalka Denmarka oo magaciisa la yiraahdo Berlingske.
Ujeeddada weli lama oga, balse booliska ayaa sheegay in uu jiro weerar lagu qaaday xarun dhaqan oo ay ku sugnaayeen Farshaxamiiste Lars Vilks iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Denmark.
Booliska magalada Copenhagen ayaa sheegay in hal qof dhintay 3 askarina ay ku dhaawacmeen ayna carareen ragii weerarka soo qaaday balse ay weli wadaan baaritaan ay arrinkaas ay ku baarayaan
A/ Osman
Denmark.