Machadka Ibnu Xajar oo abaalmarino gudoon siiyay arday.[Masawiro]

February 5, 2015 - Written by Editor

13Boosaaso:-Munaasabada oo ahayd mid abaal marino kala duwan lagu gudoonsiinaaay Ardayda  kaalimaha sare ka galay imtixaanka koowaad ee sand wax barasheerdka 2014 2015 ee Machadka  Ibnu xajar Al casqalaani ayaa maanta lagu  qabtay Masjidka Al -Rowda ee Magaalda Bosaaso oo xarun u ah Gobalka Bari.

Waxaa ka qaybgalay Munaasabda oo ahayd mid balaaran ,Maamulka Macadka Ibnu xajar ,Madaxda Mu’asada Al Minhaaj, Culumo Awdiin,Waalidiin , ganacsato iyo Ardayda wax kabarta Macadka Ibnu Xajar.

Maamulaha Macadka ibnu Xajar Al-casqalaani Sh.Siciid Cusmaan Yusuf oo Munaasabada Daah furay ayaa hambalyo uu ujeediyay Aradyda ka dib waxa uu ka hadlay taariikha Macadka ibnu xajar iyo daruusta kala duwan ee  lagu  barto.

“sidaad ogtihiin Macadkan ibnuxaja Waxaa la aas-aasay sandka markuu ahaa 2006-2007, Waxaa ka qalin jabiyay  ilaa iyo hada 13 –dufcadood ,xarunta ugu wayn Macadka ibnuxaja waxay ku taalaa bosaso ,haduu ale idmana waxaa dhawaan nooqorshaysan in aan furo xarumihii gobalada” ayuu yire Sh.siciid cusmaan yusuf.

Gudoomiye ku xigeenka Mu’ asasda Dacwada iyo hormarinta ee Manhaaj  Ciise siciid Maxamed Ayaa Ku Amaanay Maamulka Iyo Marayaasha dugsiga ibunu xajar   howsha Adag ee uyahaan Bulsha , Wxaan uu kula dar daar may in ay sii laba Jibaaraan Dadaalkoodda.

Sh.Axmed cabdi Samad oo kamid ah culumada somaaliyeed , Ahna gudoomiyaha raabidada macaahida soomaaliya ayaa dhankiisa hambalyo ujeediyay ardayda , waxaana uu kula dar-daarmay inay siiwataan waxbarasha.

Mahad salaad cabdi  oo Kamida waalidiinta Aradany ayaa kula dar daarmay arday in ay ka muuqato cilmigii labaray, Asagoo Aamaanay Dadkii howshaan soo qaban qaabiyay.

Gabagabadii Munaasabda Waxaa Abaal marino iyo Shahaado Sharaf  lagu doonsiiyay ,qaar ka mid ah waalidiinta ,Barayaasha Macadka iyo Ardaydii kaalimaha sare kagalay Imtixaanka koowaad ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 Ee Machadka  Ibnu xajar Al casqalaani.

Si kastaba ha ahaatee Machadka  Ibnu xajar Al casqalaani  oo ka mid  macahiida ku yaal Puntland ayaa sandka ardayda wax kabarta waxay ka heleeno deeq waxbarsho dalka Sucuudiga iyadoona ay dhawaan sida la rajaynayo ay tagayaan dufcadii ugu horaysay  ee waxbarasho utagta dalka sucuudiga.

no images were found

Maamulka Machadka Ibnu xajar
Bosaaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online