Madaxweynaha DFS oo lagu wado in uu gaaro magaalada Dhuusa Mareeb
February 8, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka socdo shir dib u heshiisiin waxaana ka socda Dhuusa Mareeb qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweynaha.
Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DFS ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kuwaas oo horu-dhac u ah wafdiga Madaxweynaha DFS.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud Xasan ayaa si rasmi ah u furi doona shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb.
Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale kala hadli doona Odayaasha iyo waxgaradka Dhuusa Mareeb is qab qabsi iyo hoos ka tuur siyaasadeed ee ka dhex socda siyaasiyiinta gobalada dhexe kuwaas oo ku hardamaya halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe.
Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa saaka dhaqdhaqaaq ka wada gudaha magaalada si ay u sugaan amaanka iyada oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan DFS.
A/Cawale
Halgan.net