Madaxweynaha DFS oo lagu wado in uu gaaro magaalada Dhuusa Mareeb

February 8, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka socdo shir dib u heshiisiin waxaana ka socda Dhuusa Mareeb qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweynaha.

Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DFS ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kuwaas oo horu-dhac u ah wafdiga Madaxweynaha DFS.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud Xasan ayaa si rasmi ah u furi doona shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale kala hadli doona Odayaasha iyo waxgaradka Dhuusa Mareeb is qab qabsi iyo hoos ka tuur siyaasadeed ee ka dhex socda siyaasiyiinta gobalada dhexe kuwaas oo ku hardamaya halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa saaka dhaqdhaqaaq ka wada gudaha magaalada si ay u sugaan amaanka iyada oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online