Madaxweynaha DFS oo qado sharaf u sameeyey madaxda maamul gobolleedyada (Masawiro)

February 4, 2015 - Written by Editor

IMG_4714Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo uu wehliyo Raiisul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey madaxda maamul goboleedyada dalka oo haatan booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxda uu Madaxweynaha qadada u sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Gaas, madaxda maamulada ku meel gaarka ee Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Socdaalka madaxdan ay ku joogaan magaalada Muqdisho ayaa la xiriira martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud.

Ahmiyadda socdaalkan ayaa ah in wadatashi uu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulada gobollada, iyagoo isku xog warami doona, kana tashan doona arrimaha qaranka horyaalla.

Qadada ka dib ayaa Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid waxay bilaabeen kulan ay wadajir ula qaadanayaan madaxdaasi maamulada gobollada.
Kulamadan wadatashiga ah ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, iyadoo la filayo in gabagabada laga soo saaro war loo wada dhan yahay.

no images were found

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online