Madaxweynaha DFS oo tacsi u diray qoyska Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid

February 12, 2015 - Written by Editor

cumar1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi direy Raiisul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hooyadii Allah u naxariistee marxuumad Ruqiyo Macallin Daahir ay ku geeriyootay dalka Canada.  “Waxaan aad uga tiiraanyey sanahay geerida marxuumadda.

Allah u naxariisto, jannadii fardowsana Allah ka waraabiyo, waxaanna qoyskii iyo eheldadii ay ka tagteyna oo uu Raiisul Wasaare Cumar ka mid yahayna Ilaah uga baryayaasamir iyo iimaan inuu ka siiyo”.  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumadda ku tilmaamey inay ahayd astaan qaran oo Soomaaliya ay weysey.

“Marxuumadda ma ahan oo keliya inay hooyo u ahayd Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, balse waxay ahayd oo kale Marwadii 1aad ee uu ka dhintey madaxweyneheenii hore marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke, sidaa darteed geerideeda, waa mid Soomaali oo dhan taabaneysa”.  Marxuumad Ruqiyo Macallin Daahir ayaa la filayaa in lagu aaso isla dalka Canada oo ay ku geeriyootay.

DHAMMAAD

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online