Madaxweynaha dowladda Puntland oo safar ku tegaya Muqdisho

February 4, 2015 - Written by Editor

Rw-GaasGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa i uu dhawaan  safar shaqo ku gaaro magaalada Muqdisho ee caasimaad Soomaaliya, Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa u jeedkiisa lagu sheegay shir wada tashi oo Madaxda Dowladda  Federaalka ay la yeelan doono Hogaamyaasha maamullada dalka ka jira si loo gaaro is faham Hiigsiga 2015-2016.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala hadli dooni khilaafka hareeyeydhismaha xukuumaddda Federaalka Soomaaliya oo ilaa labo jeer dib loo dhigay ansixin tooda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa casumaad rasmi ah ka hellay madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaan hadda ka socda garoonka diyaaradaha ee Garoowe qaban qaabada safarka Madaxweyne Gaas uu ku tegayo  magaalada Muqdisho.

Shirka wada tashiga ee a dacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galaya Dowladda Puntland , Maamulka Jubaland , Maamulka Koonfur Galbeed iyo  maamullada kale ee dalka ka jira waxaa kale oo shirkaan ka qayb galay xubno ka tirsan beesha  caalamka.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online