Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in Al-Shabaab u adeegaan qolo kale (Dhageyso)
February 22, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay u adeegayaan kooxo kale oo shisheeye oo ka shaqeynayn danta umada Soomaaliyeed wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay Al-Shabaab ka geysteen Masjid ku yaal Hotel Centar ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa wuxuu ku amaanay Soomaaliya in ay qeyb weyn ka qaadatay xarnimada dalka Jabuuti wuxuuna sheegay in aysan marna ilaawi doonin.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele ayaa rajo ka muujiyey in DFS ay dhawaan ka guuleysan doonto kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin arintaasi.
Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa saaka la filayaa in gaaro magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha dalka Jabuuti oo sheegay in Al-Shabaab u adeegaan qola kale
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/cncximx3ir/geele.mp3]A/Cawale
Halgan.net