Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in Al-Shabaab u adeegaan qolo kale (Dhageyso)

February 22, 2015 - Written by Editor

Ismaaciil-Cumar-GeeleMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay u adeegayaan kooxo kale oo shisheeye oo ka shaqeynayn danta umada Soomaaliyeed wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay Al-Shabaab ka geysteen Masjid ku yaal Hotel Centar ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa wuxuu ku amaanay Soomaaliya in ay qeyb weyn ka qaadatay xarnimada dalka Jabuuti wuxuuna sheegay in aysan marna ilaawi doonin.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele ayaa rajo ka muujiyey in DFS ay dhawaan ka guuleysan doonto kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin arintaasi.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa saaka la filayaa in gaaro magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha dalka Jabuuti oo sheegay in Al-Shabaab u adeegaan qola kale

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/cncximx3ir/geele.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online