Madaxweynaha PL oo ka qeyb galay Xafladd lagu soo xirayey Mashaariicda Dhismaha Buundooyinka Midiger, Libaaxo, Xamurta iyo Fallayryaale.[Masawiro].

February 22, 2015 - Written by Editor

IMG_4771Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-2-2015 Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay Xafladd balaaran oo lagu soo xirayey Mashaariicda Dhismaha Buundooyinka Midiger, Libaaxo, Xamurta iyo Fallayryaale.

Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe,  Ganacsato, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo qaar kamid ah bulshada Gobolka Nugaal ayaa ka soo qeyb galay Xafladaas.

Gudiga dhismaha buundooyinka Midiger, Libaaxo, Xamurta iyo Fallayryaale ayaa madasha ay ka socotay munaasibada ku soo bandhigay qaabkii ay uga howlgaleen buundooyinkaas oo lagu dhisay Baaqii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato .

Gudigu waxaa ay sheegeen in Dawladda Puntland, Ganacsatada Puntland iyo shacabka reer Puntland dal iyo dibadba ay si habsami leh uga qeyb qaateen dhismaha iyo dhamaystirka dhammaan buundooyinkaas.

” Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Gudigii shaqadan muhiimada ay leedahay aad ragteen qabtay ama hanoqdaan Ganacsato iyo dhammaan culimadii iyana doorka muhimka ah ka qaatay howshaas ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaan sidookale aad ugu mahadnaqaya cidkasta oo ka qeyb qaadatay, ardaydii iyana doolar doolarka bixiyey ee iskuuladooda lacagta ka soo bixiyey iyo ilaa dadka halkan laga xusay ee dhaqaalaha muga leh ku bixiyey barnaamijkaa isaga ah iyana aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Puntland waa istaqaana waana isbarataye dumarkana mahadgaar ah ayaan u celinayaa shaqada adag ee ay qabteen oo ay marwalbana nala garab taagan yihiin iyo weliba doorka muhiimka ah ee ay marwalba noo buuxiyaan” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in mashruuca ku xiga ee isku tashiga Puntland uu noqon doono wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

” Wax waan balan qaadi karnaa waana ku dhawaaqi karnaa laakiin waxaa loo baahanyahay inaanu ficil ku darno, waad garan kartaa culayska ay leedahay hirgelinta wadadaas imisa buur ayey ka dagaysaa, taas micnaheedu waxa weeye boqol jibaar wixii aanu gelinay Midiger, Libaaxo, Xamurta iyo Fallayryaale ayey nooga baahan tahay wadadaas ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa guud ahaan Shacabka reer Puntland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan Nabadgelyada Dalka iyo xasilintaasa ” Anaga ka xukuumad ahaan waajib dastuuri ah ayaa naga saaran inaanu ilaalino nabadgelyada dalka”.

Gudiga dhismaha buundooyinkaas ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas gudoonsiiyey Shahaado Sharaf uu Madaxweynuhu ku mutaystay hal-abuurkii hoggaamineed ee uu ugu dhawaaqay Barnaamijka isku tashiga Puntland, kaa soo bulshada reer Puntland ku dhalisay isku kaslooni, han sare iyo higsiga himilooyinka aanan horay loo hawaysan jirin.

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online