Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho.[Masawiro]

February 4, 2015 - Written by Editor

IMG_1386Muqdisho:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ka dib markii ay martiqaad rasmi Dawladda Puntland ka heshay Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa weftiga Balaadhan ee uu hogaaminayey waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Waxbarashada Ali Haji Warsame, Wasiirka Deegaanka Dr. Guuleed, Wasiirka Kaluumaysiaga Biindhe, Wasiirka Qorshaynta Ali Fatah Iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xidhiidhka Caalamaiga ah Dr. Cabaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr, Gaas ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade Airpot kusoo dhaweeyey Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, maamulka gobolka Banaadir iyo dawdweyne aad u tira badan oo ruxayey caleemo qoyan.

Soo dhoweyn diiran ka dib ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mahamed Ali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey waxaa loo soo gelbiyey Qasriga madax tooyada ee Vila-Somalia, halkaas oo uu ku qabilay madaxweynaha Dawlada Somaliya Madax weyne Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha maamulka Jubba-Land Ahmed Madoobe Iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfura Galbeed ee Somalia Shariif Xassan.

Kulan qado sharof ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuuc u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa waxaa qado sharaftaasi kadib kulan albaabadu uxidhan yihiin yeeshay Madaxweynaha Somalia Iyo Madaxweynaha Dawaladda Puntland, ayaa sidoo kale waxaa kulankaas ka qayb qaatay, madaxweynaha maamulka Jubba-Land Iyo madaxweynaha maamulka Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Gaas Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh ayaa markii kulankoodii soo  idlaaday waxaa si wadajira ay ula hadleen warbaahinta ayaa waxaa sheegeen in maanta bilaabeen kulan socon doona laba maalmood oo looga wada tashan doono sidii loo maarayn lahaa khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey Soomaaliya iyo sidii looga sii socon lahaa halka la taagan yahay maanta.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online