Madaxweyne PL oo daahfuray Shirweynaha Labaad ee Daneeyayaasha Puntland.[Masawiro]

February 3, 2015 - Written by Editor

IMG_2816Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-2-2015 si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Labaad ee Daneeyayaasha Puntland.

Shirweynahaan oo soconaya muddo dhan saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalkiisa lagu casumay Wasiiro katirsan dawladda Puntland, Agaasimayaal , Gudoomiyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, madax ka socotay hay’addaha Puntland iyo Beesha caalamka iyo marti sharaf kala duwan oo isugu jiray rag iyo dumar.

Ujeedka shirkaan ayaa ah in la abuuro madal ay ka qeyb galayaasha shirweynaha daneeyayaasha Puntland ay dib ugu milicsadaan ugana wada xaajoodaan caqabadaha la soo ogaaday ee dhinacyada Amniga iyo saraynta sharciga, Dimuqraadiyeeynta Puntland iyo maamul baahinta ilaa heer degmo.

In lafalanqeeyo lana meel-mariyo natiijada ka soo baxday sahaminta barnaamijka tiirarka Nabada, iyadoo looga gol-leeyahay in la soosaaro xal wax looga qabankaro kuna haboon wacyiga iyo daruufaha ka jira Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in saddexda ajande ee shirka looga hadlayo cilmibaaristana lagu sameeyey ay yihiin kuwo saldhig u ah dawladnimada iyo jiritaanka Puntland.

” Dimuqraadiyada micnaheedu waxaa weeye in ay nabarto in dadku ay helaan horumar iyo caafimaad, Waxbarasho, Biyo iyo sidookale adeegyada asaasiga ah ee lagama maarmaanka ah ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waa shaqo inoo wada taal in dadka Puntland hubka laga dhigo, in dadka Puntland latiro koobo, in dadka Puntland la diiwaan geliyo lana siiyo kaararka aqoonsiga oo weliba ay soo codeeyaan waana shaqo adag dawladduna ma fulinkarto hadaydaynan idinka gacan idinka helin ”  Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay Sharcigu haduusan dadka ka sarayn oo aan loo hogaansamin inaan marnaba lagaareyn Dawladdnimo dhamaytiran, si taa badalkeeda loo gaaro ayuu madaxweynuhu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u hogaansamaan sharciga.

” Baahinta maamulku waa muhiim waadna la socotaan in anagu sanadkii 2014 ilaa dhowr iyo toban degmo aanu u sameynay golihii deegaanka waana bilowgii is xukunka ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Masuuliiyiinti ka socday beesha caalamka ayaa dhankooda qiray in Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ka go’antahay in Puntland horay usocoto oo la hagaajiyo lagana qaado maanta halka ay taalo.

Shirweynihii koowaad ee daneeyayaasha Puntland waxaa la qabtay sanadkii 2010, waxaana xiligaasi lagu asteeyey caqabadihii kajiray tiirarka asaaska u ah dawladdnimadeena oo ay gu muhiim saneyd tiirka Amniga iyo sareynta sharciga .

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online