Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed oo cambaareeyey qaraxii Hotel Center (Dhageyso)
February 22, 2015 - Written by EditorLondon:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in weerarrada al-Shabaab laga barto cashar.
Shiikh Shariif oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo xukuumadda Soomaaliya iyo shacabkaba dadkii ku geeriyooday weerarka.
Weerarka ayaa waxa sheegtay al-Shabaab oo uu sheegay Shiikh Shariif in marka laga adkaado ay isku beddelaan kooxo yaryar oo bartilmaameedsada dadka madaxada ah iyo meelaha dadku ku badan yihiin. Waxa uu sheegay in ay tahay in cashar laga barto oo aanay nagu soo laaban.
Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa wareystay Shiikh Shariif oo hadda ah ardey wax ka barta Jaamacadda Oxford ee dalka Ingriiska.
Hoos ka Dhageyso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed Ee BBC la yeelatay.
[audio:http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2015/02/3beb07e3_shariif_150222_wareysi_shariif_shiikh_axmed_au_bb.mp3]Xigasho BBC Somalia
Halgan.net