Maragfurkii Maqdisi sow ma ahan mar kale markhaati minanka dhexdiisa W/Q Sh Abdirazak Sugulle

February 7, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x158Allaah ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxarisna korkiisa ha ahaato suubanaheenii Nabi Muxamed.
Intaa dabadeed waxaan shaki lahayn in caalamku maanta uu dhex dabaalanayo mowjado fitan ah oo qofkast oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu Allahiisa ka baryo sidii uu uga badbaadin lahaa fitankaas faraha badan ee isdabamaraya.
Nabiguna NNKH wuu nooga digay sida axaadiis farabadan uu noogu sheegayba.
Fitankaas oo kuwooda ugu darani ay tahay markii shaar diimeed loo xirtey in muslimiinta la jahwareeriyo, diinta islaamka sumacadeeda la isku dayo in caalamka loo xumeeyo, baadilkii xaq laga dhigo, xaqiina la qariyo.
Waxaa maalmahaan dhacayay ee sida in qof nool oo dab lagu gubo, kuwo kale buuro laga soo tuuro, qaar la gawraco iwm, loogana dhigo dadka in ay arimahaasi yihiin shareecadii oo la fulinayo(iyadoo marka howshaasi la samynaya shaar diimeed loo xirayo oo la cuskinayo), ayaa dad badani la yaabanayeen meesha ay howshani ka soo fuleyso. Culimadu markii ay isku dayday in ay ka hadashona , waxaa la yiri : waa rag fadhiid ah oo aan fiqhigii jihaadkaba aqoon, salaadiinta hoosta uga jira ee ha iska aamusaan. Nimaan maydaanka jihaadka joogina maba ka hadli karo waaqica arimahaan.
Haddaba waa yahay oo iskaba aamusnaye, yaa maanta idinka celin, raggii idnka aabaha idiin ahaa, aad hore ugu qirteen in ay yihiin culimada kaliya ee arimaha jihaadka laga qaadan karo? Mise markii ay xaqa idiin sheegeen waxaa ay noqonayaan kuwo aan alif iyo ba’ba aqoon?
Sheekh Abuu Maxamed Almaqisi oo lagu tiriyo ragga hormuudka u ah Salafiyada Jihaadiga ayaa ka soo daahirey Telefishinka Urdun, waxaana uu sheekhu ka hadlay dhibaatada Daacish ay ku heyso diinta Islaamka iyo muslimiintaba.
Waa mar kale iyo markhaati minanka dhexdiisa ahe, waxaa iiga baxay warkii sheekha dhowr arimood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ay fahmaan kuwa daacish beerka ay ka degtay, ama suntoodu ay saaqi rabto si xaqu ugu cadaado , waayo markhaatiga minanka dhexdiisa ah waa howl aan shaki lahayn, mudanna inuu qofku ku cibri qaato :-
1. In nimankan duubka wada xirtay oo dhalinta iyo caamada wareershay ayba beenaalayaal yihiin, haddee been iyo jihaadna meel ma wada galaan. Wuxuuna sheekhu cadeeyay beenta ay u sheegeen iyo qaabka ay ula dhaqmeen markii uuisku dayay inuu wax ka saxo khaladaadkooda
2. In ragu fahamkii fiqhiga uu ku qalloocday oo nusuustii ay daraf ka soo qaadanayaan, iyagoo aanba garanayn sida masaalixda iyo mafaasida loo kala rajaxo, meydaanka jihaadkuna waa meelaha ugu muhiimsan ee howshaasi looga baahan yahay. Wuxuuna sheekhu tusaale u soo qaatay maalinkii furashada Makka iyo sida uu Nabigu NNKH u cafiyay qureysh iyo doorka ay arintaasi ka qaadatay soo gelistii islaamka ee dad badan oo gaalo ahaa soo galeen.
3. Waxaa fiqhi xumada ka mid ah, salafinimadana ka fog ,in qowlkii Nabiga NNKH laga hormariyo qowl shakhsi ( oo wuxuu tusaale u soo qaatay gubistii duuliyaha, oo ay iska indhatireen xadiiskii Nabiga NNK ee ” dab ama naar wax kuma cadaabo, qof aan ahayn rabigii naarta”, oo ay qaateen sida ay ku anadcoodeen qowl sheekhul islaam Ibnu Taymiyah.
4. In wax khliaafa la yiraado aanay jirin oo raggu ayba wadadii khilaafada khaldeen, muhimaduna ay ahayd in mirihii khilaafada la beero, ee aan haatan khilaafo samaynteed lagu deg-degin.
5. In ficilkoodaan khilaafada ay ku sheegayaan aanu khilaafo uu dhaliyo iska dayee, ummadiiba uu kala tuurey. Waxayna keentay buu yiri in dad badan ay ka xarig furtaan
6. In dhalinyarada la khalday, oo magacaa khilaafada lagu beer laxaowsaday, markay waaqicii tageena ay wax ka duwan ku arkeen, ninkii isku daya inuu arimahaas ka hadlana birta laga aslinayo, oo gowrucuba uu yahaysheyga ugu muhiimsan agtooda.
7. In sheekhu u isku dayay inuu u nasteexeeyo, oo uu geed dheer iyo mid gaabna u fuuley, laakiin dhagaha laga fureystay, taasoo ku tusinaysa in meesha ajnedo qarsoon uu ku jiro.
8. In ragga hogaamiyaa qaar ka mid ah ayba ahayeen xisbigii bacthiga ee Ciraaq, wuxuuna sheegay sheekhu in la daliishanayo Khaalid (Alaha ka raalli noqdee) oo markii hore mushrik ahaa, haddana noqday saftii Allaah ee galka ka baxsanaeyd ( Waa yaabe buu yiri : Khaalid sifadaasi rasuulkaa NNKH u qirey oo u sugey, ee kuwaan yaa u sugay maanta in ay qiyaado ka noqdaan maydaanka jihaadka)

9. Ugu danbeyntina sheekhu wuxuu sheegay in arinkani ay kooxdiisu beri ka yihiin, gabadhii ay dowlada urudun dishey markii ay duuliyaha gubeena ay iyagu xanbaari doonaan dhiigeeda.

10.Sheekhu wuxuu carrabkiisa ka ilaalinayay Tandiimka dowladda Islaamka, oo wuxuu ku ekaanayay oo kaliya ” Tandiim Al-dowlah”… waana arin aad u muhiim ah oo annaga laftigeena nalaga rabo, horena dhowr meelood aan uga baraarujiyay taasoo ah, in aannaan siin cidna magac aanay u qalmin.

Haddaba Waxay ila tahay in markhaatigaasi minanka dhexdiisu nagu filan yahay, oo haddii shalay la lahaa culimadu ma fahamsana waaqica meydaanka jihaadka, haddee waa kaas raggii la lahaa way fahasan yihiin, midba maalin ka bari noqonayo falalakaan guracan ee islaamka loo tiirnayee, war hooy intey goori goor tahay, xeero iyo fandhaalna kala dhicin, diintaada lagaa iibsan, lagaana bar’ noqon, isku day inaad wax fahamto oo masaarka saxda ah ee dintaada ku soo noqoto.
Allaahna waxaan ka baryaynaa inuu dhammaanteenba naga ilaaliyo fitanta socota, diintana uu nagu sugo.

W/Q Sh Abdirazak Sugulle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online