Nadwo diini ah oo ka bilaabtay Masjid Jaamaca magaalada Laascaanood[Masawiro]
February 4, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Nadwo cilmiyeed loogu magac daray dhalanroga dhaqanka iyo dabaqabashadiisa ayaa ka bilaaabantay Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Nadwadaan oo ayaa waxaa soo qaban qaabiey Golaha Ardayda ka baxday Machadka AL-furqaan ayaa lagu lafo guri doonaa arrimo badan oo dhibaatooyin ah kuwaas oo haysta Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool
Haldoorka Culimada gobolka Sool oo uu hogaaminayo fadiilatu Sh C/Naasir Xaaji Axmed ayaa ka qayb qaadanaya soo jeedinta Nadawadaan barakaysan , iyadoo ay ka soo qayb galeen Ardayda Dugisyada Diiniga, Maadiga Jaamacada Macaahida Shareecada, , iyo Qaybha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada .
Gudoomiyaha Golaha Alfurqan C/Rashiid Rashiid Maxamed Awfaarax ayaa ka warbixiyey ujeedada Nadwadan oo uu soo qaban qaabiyey Golaha uu isagu Hogaamiyo , ayaa sheegey in Nadwadu tahay wacyi gelin ay ugu talagaleen inay Bulshada ka wcyi geliyaan sidii ay uga digtoon lahaayeen Dhibaatooyinka waawayn ee ka jira Gobolka Sool isla markaana u Ilaalin lahaayeen Akhlaaqda Wanagsan ee Suubanihii Nabigeena Ina baray N.N.K.H .
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegey in Nadwadu socon doonto mudo saddex habeen ah laguna qaadaa dhigi doono mowduucyo muhiim ah oo Muxaadarooyin badan ay culimadu soo Jeedin doonaan.
1.Shiikh C/Naaasir Xaaji Axmed Su’aalo iyo Jawaabo .
2.Dr Shiikh C/Rashiid Maahir Guurka iyo Dhallinyarada
3.Sh Aadam Wali Cabdi Xuseen Zinada iyo Dhibaatadeeda.
4.Sh Axmed Maxamed Sulaymaan Mukhaadaraadka iyo Qaadka .
5.Sh Maxamed Aadam Wali Cabdi Xuseen Isdhex gallka Raga iyo Dumarka iyo Dhibaadiisa.
Caawa oo ay ahayd habeenkii Koowaad ee Nadwada Waxaa la soo jeediyey Laba Muxaadaro oo kala ah Mukhaadaraadka iyo Dibaatdiisa oo uu soo jeediyey Sh.Axmed Maxamed Sulayman halka muxaadarada Isdhex galka Rag iyo Dumarka iyo Dhibaatadiisa uu soo jeediyey Sh Maxamed Sh Adam Wali Cabdi Xuseen .
Ugu Danbaytii Waxaa la filayaa in labada Habeen ee soo socda ay sii Socoto Nadwadan ay soo Abaabuleen Golaha Alfurqan ee Laascaanood .
no images were found
Xafiiska Iclaamka ee Golaha Al-furqaan
Lasanod,Somalia .