Nadwo diini ah oo ka bilaabtay Masjid Jaamaca magaalada Laascaanood[Masawiro]

February 4, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Nadwo cilmiyeed loogu magac daray dhalanroga dhaqanka iyo dabaqabashadiisa ayaa ka bilaaabantay Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Nadwadaan oo ayaa waxaa soo qaban qaabiey Golaha Ardayda ka baxday Machadka AL-furqaan ayaa lagu lafo guri doonaa arrimo badan oo dhibaatooyin ah kuwaas oo haysta Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool

Haldoorka Culimada gobolka Sool oo uu hogaaminayo fadiilatu Sh C/Naasir Xaaji Axmed ayaa ka qayb qaadanaya soo jeedinta Nadawadaan barakaysan , iyadoo ay ka soo qayb galeen Ardayda Dugisyada Diiniga, Maadiga Jaamacada Macaahida Shareecada, , iyo Qaybha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada .

Gudoomiyaha Golaha Alfurqan C/Rashiid Rashiid Maxamed Awfaarax ayaa ka warbixiyey ujeedada Nadwadan oo uu soo qaban qaabiyey Golaha uu isagu Hogaamiyo , ayaa sheegey in Nadwadu tahay wacyi gelin ay ugu talagaleen inay Bulshada ka wcyi geliyaan sidii ay uga digtoon lahaayeen Dhibaatooyinka waawayn ee ka jira Gobolka Sool isla markaana u Ilaalin lahaayeen Akhlaaqda Wanagsan ee Suubanihii Nabigeena Ina baray N.N.K.H .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegey in Nadwadu socon doonto mudo saddex habeen ah laguna qaadaa dhigi doono mowduucyo muhiim ah oo Muxaadarooyin badan ay culimadu  soo Jeedin doonaan.

1.Shiikh C/Naaasir Xaaji Axmed Su’aalo iyo Jawaabo .

2.Dr Shiikh C/Rashiid Maahir Guurka iyo Dhallinyarada

3.Sh Aadam Wali Cabdi Xuseen Zinada iyo Dhibaatadeeda.

4.Sh Axmed Maxamed Sulaymaan Mukhaadaraadka iyo Qaadka .

5.Sh Maxamed Aadam Wali Cabdi Xuseen Isdhex gallka Raga iyo Dumarka iyo Dhibaadiisa.

Caawa oo ay ahayd habeenkii Koowaad ee Nadwada Waxaa la soo jeediyey Laba Muxaadaro oo kala ah Mukhaadaraadka iyo Dibaatdiisa oo uu soo jeediyey Sh.Axmed Maxamed Sulayman halka muxaadarada Isdhex galka Rag iyo Dumarka iyo Dhibaatadiisa uu soo jeediyey Sh Maxamed Sh Adam Wali Cabdi Xuseen .

Ugu Danbaytii Waxaa la filayaa in labada Habeen ee soo socda ay sii Socoto Nadwadan ay soo Abaabuleen Golaha Alfurqan ee Laascaanood .

no images were found

Xafiiska Iclaamka ee Golaha Al-furqaan
Lasanod,Somalia .

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online