Nadwo diini ah oo lagu qaban doono magaalada Khartuun ee dalka Sudan

February 2, 2015 - Written by Editor

nadwoKhartum:-Waxaa dhamaan lagu wargelinayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan gaar ahaan ardayda iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed in magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan ay ka dhici doonto nadwo diini ah oo ay qaban doonaa culimo ka timid gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba culimo joogtay magaalada Khartuum waxaan nadwadaan diiniga ah looga hadli doonaa Afkaarta guracan ee khilaafsan shareecadda Islaamka ee haboon in umada iyo da’yarta laga saxo ama looga digo.


Culimada Nadwadaan diiniga ka qayb qaadan doona waxaa ka mid ah:-

1- Sh. Fu‘aad Maxamuud Xaaji Nuur oo laga yaqaan dalka Soomaliya kana mid ah culimada iyo ducaada fir fircoon.

2- Sh Muhtaar Axmed Faarax oo ah gudoomiyaha  Musasada al-minhaaj ee Gobolka Nugaal ahna maamulaha Machadka Khadiija ee magaalada Garoowe .

3- Sh. Maxamud Sh.Axmed Xassan (abushaybah )oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya kana mid ah Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Nadwo cilmiyeedkaan diiniga ah ayaa waxaa ay dhici doontaa 3/2/2015 habeenka talaadada ee arbacdu soo galayso dhamaan halaga faa’iidaysto culimada iyo ducaada, muxaadaraadka ayaa waxaa ay ka dhici doonaan Hoolka Jaamacadda Al- ifriiqiya al caalamiyah.

Hoos ka eeg Ogeysiiska Nadwada diiniga ah iyo culimada ka qayb qaadan doona

no images were found


Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online