Qarax Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir
February 24, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah injineerada magaalada Muqdisho loogu xiray gaarigiisa miino waxaana qaraxa uu dhaawac culus u geystay injineerka halka uu ku dhintay darawalkiisii.
Dhaawaca Injireenka ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Daaru Shifaa waxaana ay dhaqaatiirtu la tacaaleysaa xaaladiisa caafimaad kooxda Al-Shabaab ayaa gumaad ku haya haldoonka umada Soomaaliyeed iyaga oo leynaya culumada ,dhaqaatiirta ,ardayada ,wariyaasha iyo injineerada.
Goobjooge ku sugnaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in gaari ay wateen Injineero Soomaali ah miino loogu xiray halkaasna uu ku dhintay hal qof mid kalana uu ku dhaawacmay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo kula hadlay warbaahinta xaafada Taleex ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab in ay ka danbeeyaan qarax ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir .
A/Cawale
Halgan.net