Qarax Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir

February 24, 2015 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah injineerada magaalada Muqdisho loogu xiray gaarigiisa miino waxaana qaraxa uu dhaawac culus u geystay injineerka halka uu ku dhintay darawalkiisii.

Dhaawaca Injireenka ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Daaru Shifaa waxaana ay dhaqaatiirtu la tacaaleysaa xaaladiisa caafimaad kooxda Al-Shabaab ayaa gumaad ku haya haldoonka umada Soomaaliyeed iyaga oo leynaya culumada ,dhaqaatiirta ,ardayada ,wariyaasha iyo injineerada.

Goobjooge ku sugnaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in gaari ay wateen Injineero Soomaali ah miino loogu xiray halkaasna uu ku dhintay hal qof mid kalana uu ku dhaawacmay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo kula hadlay warbaahinta  xaafada Taleex ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab in ay ka danbeeyaan qarax ka dhacay  degmada Hodan ee gobolka Banaadir .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online