Faahfaahin Qarax lala eegtay Masjid ku yaal Hotel Central ee Muqdisho (Dhageyso)

February 20, 2015 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Waxaa maanta qarax is miidaamin lala eegtay Masjid ku yaal gudaha Hotel Central oo ay ku tukanayeen masuuliin ka tirsan DFS waxaana uu Hotel Center ku dhow xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay goob gawaarida la dhigto oo Hotel Central ka dibna waxaa xigay qarax qof ismiidaamiyey uu ka dhacay gudaha masjidka oo ay ku tukanayeen Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug), Gudoomiye Ku Xigeenkii Dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) iyo C/shakuur Mire Aden ka tirsanaa xisbiga Daljir waxaa kale oo ku dhintayqarax ka dhacay Masjidka Hotel Center Suldaan Abdulqadir Suldaan Ali Yassin Ali Kenadiid oo ka mid ah Issimada Puntland .

Waxaa kale oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha Masjidka Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DFS Cali Axmed Jaamac “Jangali” iyo xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar iyo Wasiirkii Wasaarada Dekeda ee Xukuumada Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen qaraxa ka dhacay Hotelka Center iyo Masjid ku yaal gudaha Hotelka waxaana hotelka soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Qarax ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdish ayaa waxaa lagu soo beegay xili magaalada Muqdisho laga sugayey madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaiil Cumar Gelle iyo wafdi la socda oo la filayo in ay socdaal ku yimaadaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska ee DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Center wuxuuna sheegay inuu nabad qabo Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee ayaa waxaa uu qiray in Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac ay jiraan wuxuuna sheegay in ciidanka amaanka ay wadaan baaritaano kala duwan.

Hoos ka Dhageyso Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska ee DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/t808x94brq/maareeye.mp3]

Ama Halkam Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online