Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku baaqay joojinta dagaalka Degmada Guriceel

February 11, 2015 - Written by Editor

cumar1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku tilmamay dagaalada ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud kuwa nasiib daro ah, isla markaan ay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab mar kale in ay is abaabulaan, ka faa’iideystaan dagaalada micno darrada ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaarayn dusha uga tuuray kooxaha caadaystay in shacabka dhaxdiisa ku dhex dagaalamaan, iyadoo xiligaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladuba heegan loogu jiro sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifayn lahaa goobaha kooban ee gacanta ay ku hayaan.

“Waan ka xunahay dagaalada micno la’aanta ah ee ka socda degmada Guriceel, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed , Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu baaritaan ku samayn doono cidii ka danbeysay dagaalka lagulana xisaabtami doono cid waliba oo dagaalkaas lug ku yeelata.

—Dhammaad—-

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online