Salaadda Maxaanu Isla Soo Marnay!! (1) W/Q: Sh. Maxamed Idris.

February 27, 2015 - Written by Editor

idirsWaxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa sheekooyin gaa gaaban oo Asxaabtayda badan aan ka dhegeysto, si caadiya ayey u weriyaan, laakiin cibro iyo cashar ayaa dadka ugu sugaan, markaasna ima dhaaftee waan qortaa, si looga wada faa’iidaysto..

Su’aala Badan ayaa ii yimaada oo dadka qurbaha ku nool qaarkood kaga cabanayaan in salaadda loo diido ama ay dhib ku qabaan.. Waxaan had iyo goor kula taliyaa: Salaaddiinu gor gortan yey gelin!! Hadii Salaadda aad gor gortan iyo ka tegid iyo dayicid iyo daahin aad ogolaato, berrina in caqiidadaada lagaala gorgor tamaa ma dheera, waayo difaacaagii mar horaa lasoo jabsaday!

Kuwa Shaqada u baqqana waxaan kula taliyaa: Arzaaqadda inuu Eebe Hayo, ee hadii Salaad laguu diido ka tag, iskuulka hadii laguu diidana ka tag, Rabbiga Mulkiga oo dhan iska leh ayaa ferej aadan filayn kuu furaya, laakiin waa inaad marka hore Imtixaanka ka gudubtaa!

Saaxiibkeen Wuxuu Yiri: Taksi ayaan ku shaqaystaa, nin gaal ah ayaan qaaday, oo aan filayo inuu shaqa weyn haysto. Gegada Dayuuradaha ayaan geeyey.. Wuxuu igu yiri: Caawa Saacaddu markey 7 tahay ii imow aad i qaadide.. Waayahay ayaan ku iri..

Waxaan Ballantii ugu imi Saacadoo ah 6.40. Waxaan soo hormaray 20 daqiiqo. Isna wuxuu yimi meeshii aan ku ballanay 6.50.. Waan soo qaaday.. Jidka ayaanu kusii sheekaysanay, wuxuu ii sheegay inuu aad u daallan yahay oo maanta maxkamadda uu kasoo shaqaynayey xeer ilaalin, dacwada badanna qaaday..Wuxuu iiga sheekeeyey dhibaatada qoys oo haysata, xaaskiisi iney ka tagtay oo nin kale raacday, isaguna hadda mid kale oo caruur leh oo shukaansanayo, keligiisna noolyahay..

Xoogaa markaanu soconney ayaan waxaan ku iri: Raalli iga ahow, Jidka in yar baan ka baxaya, shidaalka innagu soo socda ayaan Salaadda ku tukanayaa, wexey qaadaneysaa 5-7 daqiiqo.. Wuxuu Yiri: Nin yohow aad baan u daallanahay..Waxaan ku iri: Adiga Ballantaadii Sidaan u adkeeyey 20 daqiiqo ka hor ayaan imi.. Ballanta Rabbigay ayaa igaga adag Ballanta aan kula galay!!

Ninkii Hadalkii ayuu aad ula yaabay, wuxuuna yiri: Waayahay.. dhib ma leh, waan ku sugayaa..Waan leexday waan tukadey ka dibna gurigiisi ayaan geeyey! Lacagta aan ku lahaa wexey noqotay: $50.. Laakiin wuxuu kaarka ii xisaabay $92.. Dadku Baqshiishka ugu badan 5-10% ayey bixiyaan, wuxuu iigu daray ku dhowaad 50%.. Salaaddu Waxaan Khayr iyo Arzaaq ahayn kuu soo jiidi meysee, ha ka gor gortamin, sina ha u deyn!

W/Q: Sh.  Maxamed Idris

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online