Sh. Shibli iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaalida oo Nairobi kulan ku yeeshay
February 15, 2015 - Written by EditorKulanka ayaa waxa uu ku saabsanaa: fahanka saxda ah ee laga qaadanayo hir-galinta shareecada islaamka, waxaana kulanku uu u dhacay qaab wada xaajood ah.
Sheekha ayaa markii hore si cilmi ah u sharraxay waxa looga jeedo ku dhaqanka shareecada iyo xukunkeeda, iyadoo markii uu qeybtaas soo gabagabeeyey la guda galay su’aallo iyo ka soo qeyb galayaasha oo ra’yigooda ku suusan qodobkaas meesha ka jeediyey.
Intaas ka dib ayaa waxaa la guda galay Sheekha oo ka hadlay wanaagga ku jira isku xukunka shareecada Islaamka iyo dhibaatada ka dhalan karta haddii laga tago, waxaana ku xigay doodaha ka soo qeyb galayaasha iyo su’aalahooda.
Kulankan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen markazka abuu bakar iyo xarunta dhaqanka iyo wax akhriska ee Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa waxaa daadaheynayey qoraa Maxamed Nuur Shire, waxaana kulanku uu ahaa mid ay aad u jecleysteen aqoon yahankii ka soo qeyb galay.
Su’aalaha sheekhu ka jawaabay ayaa waxaa ka mid ah: Xudduuda oo la fuliyaa ma halka shareecadu u jeeddaa mise waa wasiilo? Haddii xad laga tago ma gaalnimaa? Maxaa lagu tilmaami karaa dowlad shareecada ku dhaqanta? Dastuur waafaqsan diinta islaamka mala sameyn karaa? iyo kuwa kale oo xiiso leh.
no images were found
Barnaamijka oo muuqaal ah ayaan dib idinka soo gudbin doonnaa iyadoo ilaa dhowr ka mid ah taleefishinnada Soomaalida ay duubeen oo ay soo deyn doonaan.
Kullamada noocaan ah ayaa socon doona haddii Illaahay idmo.
Somalireal