Sh. Shibli iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaalida oo Nairobi kulan ku yeeshay

February 15, 2015 - Written by Editor

1Kulanka ayaa waxa uu ku saabsanaa: fahanka saxda ah ee laga qaadanayo hir-galinta shareecada islaamka, waxaana kulanku uu u dhacay qaab wada xaajood ah.

Sheekha ayaa markii hore si cilmi ah u sharraxay waxa looga jeedo ku dhaqanka shareecada iyo xukunkeeda, iyadoo markii uu qeybtaas soo gabagabeeyey la guda galay su’aallo iyo ka soo qeyb galayaasha oo ra’yigooda ku suusan qodobkaas meesha ka jeediyey.

Intaas ka dib ayaa waxaa la guda galay Sheekha oo ka hadlay wanaagga ku jira isku xukunka shareecada Islaamka iyo dhibaatada ka dhalan karta haddii laga tago, waxaana ku xigay doodaha ka soo qeyb galayaasha iyo su’aalahooda.

Kulankan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen markazka abuu bakar iyo xarunta dhaqanka iyo wax akhriska ee Aw Jaamac Cumar Ciise, ayaa waxaa daadaheynayey qoraa Maxamed Nuur Shire, waxaana kulanku uu ahaa mid ay aad u jecleysteen aqoon yahankii ka soo qeyb galay.

Su’aalaha sheekhu ka jawaabay ayaa waxaa ka mid ah: Xudduuda oo la fuliyaa ma halka shareecadu u jeeddaa mise waa wasiilo? Haddii xad laga tago ma gaalnimaa? Maxaa lagu tilmaami karaa dowlad shareecada ku dhaqanta? Dastuur waafaqsan diinta islaamka mala sameyn karaa? iyo kuwa kale oo xiiso leh.

no images were found

Barnaamijka oo muuqaal ah ayaan dib idinka soo gudbin doonnaa iyadoo ilaa dhowr ka mid ah taleefishinnada Soomaalida ay duubeen oo ay soo deyn doonaan.

Kullamada noocaan ah ayaa socon doona haddii Illaahay idmo.

Somalireal

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online