Sheekh Xassan Sheekh Xuseen oo xalay lagu dilay Baydhabo

February 3, 2015 - Written by Editor

bistaBaydhabo:-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegay in xalay lagu dhex dilay Masjid ku yaalla xaafadda Berdaaale Sheekh Xassan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare), oo ka mid ahaa culimada Gobolka Bay.

Qaabka loo dilay Sh.Xassan Sheekh Xuseen  ayaa waxaa ka soo baxaya warar kale duwan waxaa wararku sheegayaan in lagu dhex dilay gudaha Masjdkii uu ku tukanyey Salaadii cishe halka wararka kale ay sheegayaan in la dilay markii uu Masjidka ka soo baxay.

Weerarka lagu dilay Allaha u naxariistee Sheekh Xassan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare), ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo uu ka mid yahay wiilkiisa iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Dilka Sheekh Xassan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare),ayaa ku soo beegmay xili usbuucii la soo dhaafay lagu dlay magaalada Baydhabo Sheekh Shariif Siid Cali (Siidi) oo ka mid ahaa culummada aadka looga yaqaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay in ay fulisay dilkii Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare) balse culimada dariiqada ayaa ku eedeeyey in dilka ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online