Shir looga hadlayo الإسلام ومحاربة الإرهاب oo ka furmaya maanta magaalada Mecca (Cod+Video))

February 22, 2015 - Written by Editor

1Mecca:-Shir looga hadlayo الإسلام ومحاربة الإرهاب ayaa ka furmaya maanta magaalada Mecca kaas oo ay ka soo qeyb galayaan culumo ka kala imaanaya dunida Islaamka waxaana diirada lagu saari doona dhibaatada kooxha xambaarsan fikirka khawaarijta ee dhibaatada ku haya umada Islaamka .

Kooxaha xambaarsan fikirka Khawaarijta oo diinta sida qaldan u fahmay waxay dhibaato badan ku hayaan umada Soomaaliyeed waxaana ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka Soomaaliyeed waxaana u danbeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Masjid ku yaal Hotel Center oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ayna ku dhaawcmeen 50 kale .

Shirka maanta ka furmaya magaalada barakeysan ee Mecca ayaa waxaa uga qeyb galaya dhanka DFS Raisulwasare ku xigeenkii hore ee DFS Ridwaan Xirsi dhanka culumada Soomaaliyeed waxaa uga qeyb galaya Gudoomiyaha hay,da culumada Soomaaliyeed Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad .

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu uga waramay shirka ka furmaya Mecca ee looga hadlay الإسلام ومحاربة الإرهاب ٌ Radio Kulmiye isaga oo ku sugan magaalada Mecca waxaa uu Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu tacsi u diray dhamaan umada Soomaaliyeed oo ay qaraabadooda ku dhinteen qaraxii ka dhacay Hotel Center wuxuuna alle uga baryey dadkii ku dhaawacmay  in uu alle siiyo caafimaad taam ah.

no images were found

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Raabidada Caalamu Islaami waxaana lagu qaadaa dhigi doonaa qodobada soo socda
1- تطبيق الشريعة والحكم الإسلامي الرشيد.
2. الدولة في الرؤية الإسلامية المعاصرة .
3. مفهوم الجهاد في الشريعة الإسلامية (ضوابطه، أحكامه، آدابه) .
4. أفضل الوسائل لعلاج الإرهاب (برامج عملية لمكافحته) .
5. تجارب مكافحة الإرهاب (جهود المملكة العربية السعودية أنموذجاً).

Sheekh Dr Claahi Bin Muxsin Al-Turki ayaa Shirjaa,id uu ku qabtay magaalada Mecca gaar ahaan xafiiska Raabidada Caalamu Islaami wuxuu warbaahin u faahfaahiyey shirka iyo ujeeda ay u qabteen. Halkan ka Eeg culumada ka qeyb galaysa magacyadooda iyo dalalka ay ka imaanayaan

Hoos ka Daawo Sheekh Dr Claahi Bin Cabdalla Muxsin Al-Turki iyo shirka jaraa,id ee uu ku qabtay Mecca

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ku faanay in ay dileen 50 murtadiin ah !kuwaas oo isigu jiray saraakiil iyo madax ka tirsan DFS balse waxaa ay shacab Soomaaliyeed ay la wada socdaan in dadkii ku tukaney Masjid ku yaal gudaha Hotel Center la qarxiyey xili ay ku jireen salaadii Jimcaha .

Afhayeenada Al-Shabaab wax cusub maaha in ay Murtadiin ku sheegaan  shacabka iyo culumada Soomaaliyeed ay laayaan waxaana shacabka Soomaaliyeed ay wada xasuustaan xasuuqii Hotel Shaamow. Hargaha iyo Saamaha iyo dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ,Dr Axmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh Maxamed Tahliil iyo dad badan oo ay dhagar ku dileen Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Bashiir Axmed Salaad ee Radio Kulmiye uu la yeeshay isaga oo ku sugan magaaada Mecca.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/dohdflp148/wareysi_kulmiye.mp3]

Halgan.net
Mecca

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online