Siihayaha Wasiirka Arrimaha dibadda DFS oo saxiixay heshiis dib loogu dhisayo Safaaradaha & Qunsuliyadaha guud.[Masawiro]

February 2, 2015 - Written by Editor

4dSiihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maal gashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kula saxiixday heshiis Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga oo loo yaqaan (Real Estate Union in Islamic States “REUOS”).

Heshiiska kadib , Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha REUOS , waxa ay faah faahin ka bixiyeen heshiiskaasi iyo faa’idada uu u leeyahay dalka Soomaaliya.

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa sheegay in hey’adan hoostagta Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dayactirka iyo dib u dhiska dhammaan hantida qaranka ee dibadda oo ay ku jiraan Safaaradaha, guryaha Safiirada iyo wixii la mid ah oo ah hanti qaran oo dalku ku leeyahay dibadda.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa soo hadal –qaaday in Guddi ka socda hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ay bilaabi doonto socdaal qiimeyn ah oo ay ku soo sameyn doonaan dhammaan dhismooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay qaaradaha Afrika , Asia , Yurub iyo Ameerika .

Mashruucan dib loogu dhisayo , laguna dayac tirayo dhismooyinka qaranka ee dibadda ayaa waxa uu gaar u yahay Safaaradaha , Qunsuliyadaha guud , Guryaha Safiirada  iyo wixii la mid ah oo qaranku ku leeyahay dibadda.

Dhankiisa , Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay maqaamka ay dunida ku laheyd , taasina ay ku timid dadaalada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqday, isagoo sheegay in heshiiska uu maanta saxiixay uu ka dhigan yahay tallaabo dhiirigelin u ah horukaca dhaqaalaha iyo horumarka la hiigsanayo mustaqbalka.

Dr. Mohamed Yahya ayaa sheegay in mashruucan laba bilood kadib si rasmi ah u shaqa –gali doono , ayna ka bilaabi doonaan dib u dhiska hantida dowladda  ,  dalka Djibouti oo  qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay 16 dhismo.

Arrintan ayaa ah bilowga guulaha la filayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga dib ugu habeyso habka shaqo iyo shaqaale ee ergadeeda dibadda , si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee dowladda iyo shacabka ay u hayaan , waxa ay sidoo kale ay tirxraac u tahay Shirar Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh kula yeeshay sanadkii hore Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia  Xoghayah guud Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka.

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online