Siminaar is dhex galka Ardayda oo ka dhacay magaalada Laascaanood.[Masawiro]

February 25, 2015 - Written by Editor

5Laascaanood:-Dugsiyada Sare ee Laascaanood ayaa xalay waxaa ka bilawmay Magaalada Laascaanood Siminaar- ku Saabsan Is dhex galka Ardayda Dugiyada Sare ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen golaha Alfurqan ee Ardayda ka qalin jabisay Machadka Al-furqan ayaa waxaa lagu soo bandhigay aqoon iswaydaarsi kala duwan , iyadoo ay ka soo jeediyeen khudbado kala duwan aqoonyahanno iyo culmaa’u diin uu ka mid yahay Shiikhu baladka Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn Sh C/Naasir Xaaji Axmed iyo dhakhaatiir .

Sheekh. C/Naasir Xaaji Axmed oo ka hadlay heerka iyo kaalinta dhallinyaradu ku leedahay bulshada isagoo Shiikhu uu dhallinyarad kala hadlay inay masuulyada iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan ka soo baxaan.

Sheekh. C/Naasir Xaaji Axmed ayaa in ay xooga saaraan Wax akhrinta , Cilmiga meel walba u doontaan, Ku camal falaan, Sidoo kale Cilmiga Isu dheelitiraan barashadiisa oo ay bartaan aqoonta nolosha lagu hago -maadi- iyo aqoonta diiniga ah .

Sidoo kale waxaa khudbad ka soo jeediyay Dr Abdi Majid , Dr Abdi Majid Sh Husein Sugulle ayaa ka hadlay soo saarida aqoonta , Dr Abdi Majiid oo isna ka hadlay aqoonta iyo awood eeda , wuxuu ka hadlay diktoorku in dhalinyaradu dhabbada guusha ay ku gaadhi karaan kaliya ay tahay wax akhriska iyo aqoonta la bartay oo laga midho dhaliyo.

Proff C/Salaan Maxamed Xusseyn oo ah aqoonyahan wax ku bara magaalada gudeheeda 2,000 oo arday wax ka badan ayaa isna ka hadlay hogaanka iyo hogaamiyaha wax bedeli kara Proff C/Salaan Maxamaed Xusseyn wuxuu ka warramay awoodda iyo muhiimada ay leedahay hogaaminta iyo sirta ugu wayn ee ummadaha dunida ku nooli ay isku dhaafeen ay tahay hogaamiyaha ummadda .

Wuxuu tusale u soo qaatay Aqoon-yahan C/Salaan Tunkub waddamo ay ka mid yihiin USA, China , Singapoor , oo ah waddankii uu hogaamiyihii Maxamed Mahadi uu ka dhigay hogaamiyenimadiisa wadanka ugu taajirsan dunida sannadii 2000 wuxuu sheegay in waxa kaliya ee ay ku horu-mareen ummadahaasi ay tahay hogaamiyahooda oo noqday mid ku socda tubtii hogaamiyennimo ee uu jeexay suubanihii Nebi Muxamed N.N.K.H .

Kulankii xalay waxaa lagu soo afmeeray khudbad qiime badan oo uu soo jeediyey Sh Axmed Maxamed Sulayman oo ka hadlay akhlaaqda wanaagsan ee ardayga wax baranaya laga doonayo . Sidoo kale , wuxuu Sh.Axmed Maxamed Sulayman ka warramay in dhalintu waxbarashada heerarkeeda u maraan oo aanay ku boodin meel aanay gaadhin iwm .

Ugu danbayntii, kulankan oo ahaa kii ugu Horreeyey ee noociisa ah indhawayd ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyadoo labada habeen ee soo socda laga sii ambaqaadi doono halkaa hadii alle idmo .

no images were found

Mowliid Ismail
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online