Socdaalkii Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh C/qaadir Boobe Ee Lusaka Zambia (Masawiro)

February 14, 2015 - Written by Editor

IMG-20150214-WA0028Lusaka:-Wafdi culuma ah oo ay horkacayeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh C/qaadir Boobe ayaa socdaal dacwo ku soo maray magaalada Lusaka ee xarunta dalka Zambia waxaana halkaas culumada si weyn ugu soo dhaweeyey jaaliyada Soomaaliyeed ee lusaka oo ay horkacayeen culumada ,ducaada iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Lusaka .

Labada Sheekh intii ay ku sugnaayeen magaalada Lusaka waxaa ay ka jeediyeen ilaa 8 muxaadaro oo ay uga hadleen mowduucyo kala duwan waxaana muxaadaraadka sidoo kale daba socday kulamo ay la yeesheen waxgaradka iyo ducaada magaalada Lusaka iyada oo ku dhiiriyey in ay dardar galiyaan dacwada .

Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh C/qaadir Boobe ayaa sidoo kale uga jawaabay su,aalo kala duwan Jaaliayada Soomaaliyeed ee magaalada Lusaka waxaana sidoo kale warbixino kala duwan ay ka dhageysteen ducaada iyo culumada Luska kuwaas oo culumada uga warbixiyey dacwada iyo maraakista ay gacanta ku hayaan oo uu ugu horeeyo Masjidka weyn ee Ummah.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu joogay magaalada Lusaka waxaa uu ka akhriyey kitaabka Qawaacid Fiqhiya kaas oo aad ay uga faa,ideysteen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku xiran Masjidka Ummah.

Wafdiga culumada ayaa saaka waxay safar dacwo ku tagi doonaan magalada Indhoola halkaas oo ay ka jeedin doonaan muxaadarooyin kala duwan .

no images were found

Safar culumada waxaa ku weheliya Sheekh Xudeyfa Raage oo isaga mar walba soo tabinayey muxaadaraadka culumada kuwaas oo ka baxayey Radio Halgan Live iyo Radio Al-Xikma.

Halgan.net
Lusaka

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online