Socdaalkii Zambia Ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal (Warbixin)

February 19, 2015 - Written by Editor

IMG-20150215-WA0008Taariikhdu markay ahayd 09-02-2015 maalintuna ay tahay isniin, Saacaduna tahay 23:35 , ayaan kasoo degney Garoonka caalamiga ah ee Lusaka –Zambia, waxaa halkaas naloogu sameeyey soo dhawayn aad u heer sareysa, waxaan leenahay walaalaha nasoo dhoweeyey oo isugu jiray Culimo,Odayaal, Dhalinyaro, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay jazakumullahu kheyran.

Intaa kadib waxaa naloo gelbiyay hoygii ay noogu talo galeen walaalaha reer Lusaka-Zambia, halkaas ayuu war bixin kooban ku bixiyay Sh. Maxamed Cabdi Umal, taasoo ku saabsanayd socdaalkayaga.

Maalinkii labaad waxaan guda galnay hadafkii aan u soconnay oo ah wacyi galinta bulshada iyo faafiinta Diinta Islaamka, inta aan Lusaka joognay waxaan galnay Duruus isugu jirta Muxaadarooyiin,Kitaab,Fataawo, iyo kulamo gaar ah, taasoo qaadatay mudo afar cisho ah.

Kadib waxaan u safarnay Magaalada labaad ee ay aadka ugu badantahay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ndola-Zambia, halkaasna waxaa nagu soo dhoweeyay si heer sare ah bulshada Soomaliyeed qaybaheeda kala duwan, iyadana waxaan joognay mudo dhan 4 cisho, waxa ay reer Ndola iyaguna ka faaiideen socdaalkayaga: Duruus Diini ah oo kala duwan sida: muxaadaraad, Su,aalo iyo jawaabo, iyo kulamo kala duwan oo aan la yeelannay dhammaan bulshada qaybaheeda kal duwan .

Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Zambia waxay aad ugu oomanaayeen la kulanka culimadooda (xafidahumullaah) si ay uga oon tiraan haraadka ay u qabaan Diintooda.

Su,aalaha ugu badan ee ay waydiinayeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia waxay ahayd xaalada cakiran ee ka jirta dalkooda hooyo, waxa uu sheek Umal si cajiib leh uga jawaabay baahidooda diineed.

Waxaan kulamo kala duwan oo gaar gaar ah la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, odoyaasha waxaan booqasho ku tagnay goobaha ay dacwada islaamka ka socoto sida iskuulada iyo malcaamadaha Quraanka lagu barto in badan oo ka mid ah sawiradooda .

Waxaan qolyaha Suufiyada ku faafiyeen baraha lagu wado xiriiro been abuur ah in Sheekh Maxamed lagu buuqay taas oo been Waxaa wax lala yaabo ah in war naga soo gaaray magaalada Nairobi oo oronaya Culimadii safarka ahayd ayaa lagu buuqey nalkana loo dansadey iyagoo masjid ka wacdinaya, waxaan jeclahay inaan walaalaha Muslimiinta u sheego una xaqiijiyo inuu warkaasu yahay war been ah oo xaqiiqda ka fog lana mid yahay beentii ay horey u faafin jireen beenaalayaasha diidan faafinta Diinta islaamka oo lagu faafiyo fahamka salafka, waxaa is waydiin leh maxaa dhacay hadii uusan warkaasu xaqiiqa ahayn, waxaa dhacdey iyada oo ay su,aaluhu socdaan in nin istaagay kadibna yiri waxaan qabaa su,aal, kadibna dad waynihii ayaa ku buuqay ninkaas iyaga oo dhibsaday inuu khilaafay qaabka su,aalaha sheekha loo waydiinayay oo ahayd in su,aasha lagu soo qoro warqad, intaas waxaan ahayn kama dhicin kadibna waxa si habsami u socdey su,aalihii iyo jawaabihii. waxaana beentaas kashfiyey walaalaha Halgan.net .

Gebo gebo.
Waxaan u mahad celinayaa mahada Allaah kadib walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia sidii fiicnayd ee ay noo soo dhoweeyeen iyo qaab wanaagii qiimaha badnaa ee ay u qaabileen waftigii culumada iyo sida ay uga faa’iidaysteen.

Sheekh Xudeyfa Raaage
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online