Taliyaha ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sh Ibraahim oo soo gaaray Beledweyne
February 19, 2015 - Written by EditorHiiraan:-Taliyaha guud ee ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Jen Sakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku soo dhaweeyey madaxada Maamulka gobalka Hiiraan ,saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Taliyaha ciidanka Jabuuti Jeneraal Sakariye Sheekh ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Xerada Ceel-jaalle oo xarun u ah ciidanka AMISOM taas ku taal duleedka magaalada Beledweyne waxaana uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay tahay sidoo loo dhiirri galin lahaa ciidanka Jabuuti iyo kuwa AMISOM oo dhawaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab bilaabi doona gobalka Hiiraan.
Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim Taliyaha ciidanka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo masuuliinta Maamulka gobalka iyo Degmada ee DFS.
Socdaalka Taliyaha guud ee ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu yimid ka dib markii isbuuc ka hor ay dowlada Jabuuti ku soo kordhisay ciidanka ka jooga gobalka Hiiraan 1000 askari.
Cabdi Yare
Halgan.net