Taliyaha ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sh Ibraahim oo soo gaaray Beledweyne

February 19, 2015 - Written by Editor

sakiriyeHiiraan:-Taliyaha guud ee ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Jen Sakariye Sheekh Ibraahim  iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku soo dhaweeyey madaxada Maamulka gobalka Hiiraan ,saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa  AMISOM.

Taliyaha ciidanka Jabuuti Jeneraal Sakariye Sheekh  ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Xerada Ceel-jaalle oo xarun u ah ciidanka AMISOM taas ku taal  duleedka magaalada Beledweyne waxaana uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay tahay sidoo loo dhiirri galin lahaa ciidanka Jabuuti iyo kuwa AMISOM oo dhawaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab bilaabi doona gobalka Hiiraan.

Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim Taliyaha ciidanka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo masuuliinta Maamulka gobalka iyo Degmada ee DFS.

Socdaalka Taliyaha guud ee ciidanka dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu yimid ka dib markii isbuuc ka hor ay dowlada Jabuuti ku soo kordhisay ciidanka ka jooga gobalka Hiiraan 1000 askari.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online