Tartan Aqooneed lagu qabtay Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee Laascaanood‏

February 19, 2015 - Written by Editor

1Laascaanood:-Waxaa Maanta -19-02-2015- ka bilowmay Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf School ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Tartan aqooneed Xiiso badan oo u dhexeeyey Fasalada Sare ee Dugsan. Tartan oo ayaa waxaa soo agaasimey Fasalada 12 aad (Form 4) da iyadoo Tartankani uu yahay mid ay aad u soo jiitay ardayda ka qayb galaysayay Tartanka.

Wareegii 2 aad oo maanta u bilowmay Ardayda Fasalada 10 (Form 2) oo ahaa fasalo afar Fasal ayaa isugu ymid Maanta, Madaxa Gudiga Maamulka Tartanka Ustaad Axmed C/Laahi Cali (Axmed Jiinje ) ayaa ka waramay UJeedada Tartan tan iyo Bahaida keentay in la qabto Tartankan.

U jeedada aan u soo agaasimnay Tartankan Amiintan ayaa ah in Ardayda lagu dhiiri geliyo akhriska
iyo baadhida wixii ay soo barteen 10 kii Fasal ee ay ku so barteen 10 kii sano ee la So dhaafay, si ay ugu noqoto Xasuus wixii ay Barteen , iyo in ay u diyaar garoobaan heerka sare ee Aqoonta ee Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf Secondry School ay ka bartaan ayuu yidhi Axmed C/llaahi Cali.

Ardaydii ka qayb galay Tartan ka maanta ayaa soo bandhigay aqoon heer Sare , iyadoo Tartanku u ahaa mid Jawi degn oo kala danbayn leh , Ardayda ka qayb galaya Tartankan ayaa u qayb galaya Koox Kooxo ah .

Dugsigan oo ka mid ah dugsiyada ugu Tayada badan ee ku yaallo Laascaanood Waxaa wax ka barta hada wax ka badan 1000 arday , kuwaas oo Sanad walbana ay uga soo gudbaan arday Tiradoodu Boqolaal tahay. Muse Yuusuf Seondry School waxaaa Laascaanood Laga aas aasay sideetamaadkii waxaana dib loo furay Sanadki 2000 bur burkii Somalia ku dhacay oo hakad geliyay mooyee.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Lascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online