Waan ku Jeclahay : waanse kaa Ra’yi duwanahay

February 27, 2015 - Written by Editor

ShAbdibaasidWaan ku Jeclahay waa hadal aad u quruxbadan oo Naftu ay jeceshahay , Diintana ay nagu boorisey inaan xaqiijino .Waxay daweysaa Cuduro badan oo Dadka dhexdooda ka dhaca , maalin walba waan ku hadaaqnaa Anagoo og ama hilmaamsan macnaheeda

Jacaylka iyo kala duwanaanta Ra’yiga iskuma xirna , Jacaylku waa waa Diin leh shuruudiisa iyo joogistiisa joogtada ah , Jacaylka ma dhamaado Inta ay Sababiisa joogaan , laakiin kala duwanaanta Ra’yiga iyo Talada wuu yaraadaa ama dhamaadaa.

Dadka qaarkii waxay u qabaan in Jacaylku yahay inaad ku waafaqdo wax walba , ama aad raacdo Indha xirnaan,ama Caqligaada aad asaga u dhiibto, jacaylkeyga ama cadownimo .

Jacaylka dhabta ah intaas oo dhan ma aha laakiin : Waan ku Jeclahay laakiin Ra’yigeya baan leeyahay.

Waan ku Jeclahay laakiin Doqon ma ihi.Waan ku Jeclahay laakiin Nafteyda waa igu weyntahay.

Waan ku Jeclahay laakiin waxaan kula qeybsanayaa sharafka. Waan ku Jeclahay laakiin waxaan ka maseyrayaa meesha aad gaartey Anigoon ku Xasdeynin.

Waan ku Jeclahay laakiin waxaan rabaa inaan markeyga ku fariisto kursiga. Waan ku Jeclahay laakiin ma ogoli ixtiraamo la’aan.

Waan ku Jeclahay laakiin waa u simanahay xuquuqda. Waan ku Jeclahay laakiin Gefkaada adigaa ka Mas’uul ah. Waan ku Jeclahay laakiin Nolosha Madow iyo Caddaan keliya ma aha.

Waan ku Jeclahay laakiin ra’yigaaga inaan qaato kuma qasbani Waan ku Jeclahay laakiin waxaan rabaa Inaad kursiga baneyso.

Waan ku Jeclahay laakiin waxaan kaa Jeclahay Xaqqa(diinta). Jacaylka xaqiiqada ah waan kan ku dhisan is qadirin laba dhinac ah , Qofwalbana uu Ra’yigiisa siduu doono u cabiriyo , asagoon Qofna ku xadgudbin. Halkaan ka akhriso maqaalka oo dhamaystiran

 .
وكتبه / عبد الباسط شيخ إبراهيم

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online