Wasiirka amniga ee Puntland oo sheegay in ay dileen 16 askari oo Al-Shabaab ah (Dhageyso)
February 14, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka wasaarada amniga ee dowladda Puntland Xasan Cismaan Alloore oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe maanta ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ciidanka Puntland ay ka fuliyeen shalay deegaano ka tirsan buuraleyda Golis.
Xasan Cismaan Alloore Wasiirka amniga ee Puntland Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa sheegay in ciidanka Puntland in khasaaro u geysteen kooxda Al-Shabaab waxaana uu sheegay in ay ka dileen 16 askari oo ka tirsan Al-Shabaab ayna dhaawaceen 26 kale .
Ugu dambayntiina wasiirka amniga ee Puntland ayaa ku celiyey in Al-Shabaab ay taageero ka helaan ayna soo maraan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo ay maamusho Maamulka S/land.
Wasiirka Amniga ee Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa waxaa uu baaq u direy shacabka Puntland wuxuuna ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Amniga ee Puntland wuxuuna Sheegay Al-Shabaab in ay isku si u leynayaan shacabka iyo ciidanka .
Hoos ka Dhageyso Shrka jaraa,id uu ku qabtay Wasiirka wasaarada amniga ee dowladda Puntland Xasan Cismaan Alloore
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/fe6dpl96vz/Aloore.mp3]M_M Deeq
Halgan.net