Wasiirka amniga ee Puntland oo sheegay in ay dileen 16 askari oo Al-Shabaab ah (Dhageyso)

February 14, 2015 - Written by Editor

AlooreGaroowe:-Wasiirka wasaarada amniga ee dowladda Puntland  Xasan Cismaan Alloore oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe maanta ayaa faahfaahin ka bixiyey  howlgalo ciidanka Puntland ay ka fuliyeen shalay deegaano ka tirsan buuraleyda Golis.

Xasan Cismaan Alloore Wasiirka amniga ee Puntland Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa sheegay in ciidanka Puntland  in khasaaro u geysteen kooxda Al-Shabaab waxaana uu sheegay in ay ka dileen 16 askari oo ka tirsan Al-Shabaab ayna dhaawaceen 26  kale .

Ugu dambayntiina wasiirka amniga ee Puntland ayaa ku celiyey in Al-Shabaab ay taageero ka helaan ayna soo maraan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo ay maamusho Maamulka S/land.

Wasiirka Amniga ee Puntland  Xasan Cismaan Aloore ayaa waxaa uu  baaq u direy shacabka Puntland wuxuuna ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Amniga ee Puntland wuxuuna Sheegay Al-Shabaab in ay isku si u leynayaan shacabka iyo ciidanka .

Hoos ka Dhageyso Shrka jaraa,id uu ku qabtay Wasiirka wasaarada amniga ee dowladda Puntland  Xasan Cismaan Alloore

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/fe6dpl96vz/Aloore.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online