Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdusalam H. Omer oo qaabilay Safiirka Djibouti u qaabilsan Soomaaliya.

February 25, 2015 - Written by Editor

IMG_0179Mogadishu, February 25, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya ambassador Dayib Doubad Robleh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya .

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay danaha wadaagga ah ee labada dowladood si gaar ah howlgalka ciidanka Djibouti “ Hiil Walaal” ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ( AMSIOM) , tababarida ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed .

Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxa ay kaga mahad-celineysaa ciidamada Djibouti ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , kaalinta muuqata ee ay ka qaateen nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo ku howlgalaya magaca AMISOM , waxa ay si la mid ah ugu mahad-celineysaa ciidamada kala jinsiyadaha duwan ee ka qeyb ah howlgalkaasi .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi is afgarad leh ayaa waxaa goob ka ahaa diblomaasiyiin ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safaaradda Djibouti ee caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online