Wasiirka Difaaca ee DFS oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda, kana hadlay dar-dar gelinta shaqada.
February 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho, Februari 25, 2015….Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federalka ah ee Somalia, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la qaatay Shaqaalaha rayidka ee wasaaradda, waxana ay ka wada hadleen dar-dargelinta shaqada maadaama dhaawan uu xilka la wareegay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Maxamuud C/rixmaan Cuuke, oo kulanka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in shaqaalaha wasaaradda looga baahan yahay inay si habsami leh oo shaqa hufnaan ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, wuxuuna ballan-qaanday in qof waliba oo shaqaale u ah wasaaradda la eegi doono habka uu u hagaajiyo shaqada, wax-qabadkiisa iyo wax-soo-saarkiisa , taasina ay hormuud u noqon karto dalacsiin iyo tababar uu helo.
Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali ayaa sheegay in wasaaraddiisu tahay mid u taagan difaaca Qaranka, loona baahan yahay in muuqaal wanaagsan oo ka tarjumaya sharafta ciidanka Qaranka ay gudbiso, iyadoo la ilaalinayo kala sarreynta, lana hagaajinayo habka ay hadda ku shaqayso Wasaaraddu.
“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen shaqada qaranka gaar ahaan wasaaradda Difaaca. Kulankaani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanayna waa in aan isbarano, dhagaysanana tabashooyinkiina, isla markaana laga wada hadlo sidii kor loogu qaadi shaqada xafiiska oo laf dhabar u ah wasaaradaha, waxaa haysaan waa howl qaran oo masuuliyad badan idin saaran tahay, waxaan rajeynayaa in aad kasoo bixi doontaan shaqadiina, , qof walba oo kasoo baxa waajibaadka saarana wuxuu heli doonaa xuquuqda uu leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini.
no images were found
—-DHAMMAAD—
Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Difaaca.
Muqdisho, Soomaaliya