Wasiirka Difaaca ee DFS oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda, kana hadlay dar-dar gelinta shaqada.

February 25, 2015 - Written by Editor

IMG_6982Muqdisho, Februari 25, 2015….Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federalka  ah ee Somalia, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la qaatay  Shaqaalaha rayidka ee wasaaradda, waxana ay ka wada hadleen dar-dargelinta shaqada maadaama dhaawan uu xilka la wareegay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Maxamuud C/rixmaan Cuuke, oo kulanka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in shaqaalaha wasaaradda looga baahan yahay inay si habsami leh oo shaqa hufnaan ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, wuxuuna ballan-qaanday in qof waliba oo shaqaale u ah wasaaradda  la eegi doono habka uu u hagaajiyo shaqada, wax-qabadkiisa iyo wax-soo-saarkiisa , taasina ay hormuud u noqon karto dalacsiin iyo tababar uu helo.

Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali ayaa sheegay in wasaaraddiisu tahay mid u taagan difaaca Qaranka, loona baahan yahay in muuqaal wanaagsan oo ka tarjumaya  sharafta ciidanka Qaranka ay gudbiso, iyadoo la ilaalinayo kala sarreynta, lana hagaajinayo habka ay hadda ku shaqayso Wasaaraddu.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen shaqada qaranka gaar ahaan wasaaradda Difaaca. Kulankaani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanayna waa in aan isbarano, dhagaysanana tabashooyinkiina, isla markaana laga wada hadlo sidii kor loogu qaadi shaqada xafiiska oo laf dhabar u ah wasaaradaha, waxaa haysaan waa howl qaran oo masuuliyad badan idin saaran tahay, waxaan rajeynayaa in aad kasoo bixi doontaan shaqadiina, , qof walba oo kasoo baxa waajibaadka saarana wuxuu heli doonaa xuquuqda uu leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini.

no images were found

 —-DHAMMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Difaaca.

Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online