Wasiirka waxbarashada PL oo kormeeray Dugsiga Sare ee Al-waaxa ee Garoowe.[Masawiro]

February 2, 2015 - Written by Editor

DSC086041Garowe:-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maantay bilaabay booqashooyinkii uu ku tagijiray dugsiyada Magaalada Garowe. Wasiirka ayaa booqashooyin ku tagaya qaar kamida Dugsiyada Garowe , Dugsiyada uu booqashada ku tagayo Wasiirka ayaa isugu jiraan Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa Sare.

Wasiirka ayaa saakay booqday Dugsiga Sare Al-waaxa waxaana ku soo dhaweeyey Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dugsiga, Wasiirka ayaa ardayda kala hadlay Fagaaraha dugsiga wuxuuna Wasiirku Ardayda ku dhiirigaliyay inay sii wadaan Waxbarashadooda ayna yihiin Ubixii dalka iyo mustaqbalkii hoggaanka dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Ardayda ugu bishaareeyey in dowladda Puntland ay yeelatay Manhaj Waxbarasho oo dhamaystiran kaas oo wax weyn ka badali doona habka Waxbarashada Puntland, sidoo kale Wasiirka ayaa Ardayda ku dhiirigaliyay inay qaybtooda ka qaataan hormarinta Waxbarashada Puntland.

Boqoshooyinkaan uu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Cali Xaaji Warsame uu ku tagayo dugsiyada waxa ay ujeedkeedu tahay sidii dhallaanka waxbarashada ku guda jira loogu dhiirigalin lahaa siiwadashada Waxbarashadooda iyo sidii Ardayda loola wadaagi lahaa fikradahooda si looga faaiidaysto maskaxdooda.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee uu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr: Cali Xaaji Warsame uu ku tago booqashooyin dugsiyada Puntland si uu ugu kuurgalo Waxbarashada Ardayda Puntland.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta Wasaarada waxbarashada.
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online