Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Gobolka Karkaar oo a tacsiyeeye geeridii Suldaan C/qaadir
February 22, 2015 - Written by EditorQardho:-Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Gobolka Karkaar ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaa ay uga tacsiyeeyeen Geeridii Allah u naxariis tee Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Suldaan Yaasiin Suldaan Cali Keenadiid oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay masjid ku yaal gudaha Hotel Central ee magaalada Muqdisho
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimada, nabadoonada, aqoonyahanada, masuuliyiinta, Maamulka Jaamacada Bariga Afrika Qaybta Qardho iyo waxgardka Gobolka karkaar isagoo kulanka u jeedkiisu uu ahaa in tacsi tiiraanyo leh dhamaan dadkii ku dhintay qaraxii Muqdsho guud ahaan iyo gaar ahaan Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Yaasiin Suldaan Cali Keenadiid oo ka mid ahaa Issimada Puntland.
Kulankan ayaa waxaa kale oo si gaar ah loogu tacsiyeeyay Xaasaskii, Caruurtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Cabdiqaadir Suldaan Yaasiin Suldaan Cali Keenadiid waxaana ilaah looga baryay in Allaah uu ku abaal mariyo janadii fardowsa maadaama ay gacan ka xaq daran ay dishay xili uu soo gutay waajibaadka rabi.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net