Weerar Caawa mar kale ka dhacay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.
February 14, 2015 - Written by EditorCopenhagen:- Ciidanka Booliska iyo kuwa Sirdoonta PET ee dalka Denmarka ayaa xaqiijiyey in caawa mar kal ay toogasho ka dhacday meel ku dhow Nørreport Station waxaana dhaawac uu soo gaaray laba askari oo ka tirsan Booliska magaalada Copenhagen.
Booliska magaalada Copenhagen ayaa ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in ay xiriir ka dhaxeeyo weerarkii galabta ka dhacay xarunta dhaqanka Krudttønden ee Østerbro iyo weerarka caawa.
Magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaanka waxaana meel walba socda gaar ahaa goobaha laga raaco tareemada ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan qoryaha AK47 .
Muslimiinta ku dhaqan dalka Denmark ayaa iska fogeeyey weerarada ka dhacay Denmarka gaar ahaan magaalada Copenhagen waxayna sheegeen in aysan waxba ka ogeyn .
A/Osman
Halgan.net