Xil wareejin ka dhacday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee DFS.[Masawiro]

February 16, 2015 - Written by Editor

5Muqdisho:-Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Drs Khadar Bashiir Cali oo loo soo magacaabay xilkaas, waxayna Xafladu ka dhacday Xarunta Wasaarada Tacliinta Sare waxaana ka soo qeyb galay Hanti dhooraha Qaranka Mudane Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka sidoo kale waxaa kasoo qayb galeen Madaxda Wasaarada Shaqaalaha hoose iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Maxamed Cabdul Qaadir Nuur, waxa uuna sheegay in dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan Wasiirka Cusub islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isagoo xusan in Wasiirada Cusub Dr Khadar Bashiir Cali ay horayba uga mid aheyd Wasaaradda Waxbarashada oo ay markale Wasaaradu soo dhaweyneyso Wasiirka Cusub.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inaysii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii,waxaana madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla.

no images were found

Communication Officer Ministry of Education
Halgan.net,Muqdisho

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online