Xildhibaan ka tirsan DFS oo lagu dilay magaalada Muqdisho
February 9, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Dablay hubaysan ayaa saaka waxaa ay ku dileen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Qayaad Barre.
Xildhibaanka la dilay saaka ayaa waxaa uu ku sii jeeday xarunta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta uu ka dhacayey kulan ay Xildhibaanada DFS ay codka kalsoonida ugu qaadayeen Xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Allaha u naxariiste Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre ayaa wararka qaar ay sheegayaan in lagu dilay xili uu marayey agagaarka Is-goyska Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, oo ah meel dadku ku badan yahay kooxda dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeey dilka maanta loo geystay Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo la dilay xili uu doonayey in uu guto howlihiisii Qaran.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegtay dilka Allaha u naxaristee xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre balse waxaa dilalka noocaan oo kale ah fuliya ururka Al-shabaab oo sheegay in ay dili doonaan masuul kasta oo ka tirsan Dowlaadda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net