Xildhibaan ka tirsan DFS oo lagu dilay magaalada Muqdisho

February 9, 2015 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Dablay hubaysan ayaa saaka waxaa ay ku dileen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Qayaad Barre.

Xildhibaanka la dilay saaka ayaa waxaa uu ku sii jeeday xarunta Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta uu ka dhacayey kulan ay Xildhibaanada DFS ay codka kalsoonida ugu qaadayeen Xukuumadda cusub ee  Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariiste Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre ayaa wararka qaar ay sheegayaan in lagu dilay xili uu marayey agagaarka Is-goyska Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, oo ah meel dadku ku  badan  yahay kooxda dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeey dilka maanta loo geystay Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre  oo la dilay xili uu doonayey in uu guto howlihiisii Qaran.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegtay dilka Allaha u naxaristee xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre balse waxaa dilalka noocaan oo kale ah fuliya ururka Al-shabaab oo sheegay in ay dili doonaan masuul kasta oo ka tirsan Dowlaadda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online