Xisaab-xirka xasuuqyadii Al-shabaab W/Q Sh Axmed Cabdisamad

February 24, 2015 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadWaxaan isweydiiyey tolow XARAKADA ALSHABAAB dib ma u eegtay xasuuqyadii is dabajooga ahaa ee ay geysatay, xisaab-xirse ma ku samaysay miraha ay ka guratay dabargoynta iyo xasuuqa bulshada?.

Waxaan gartay hadduu jiro xisaab-xir iyo dibu-eegis xasuuqani ma sii socdeen. Haddana waxaan is weydiiyey oo tolow xataa haddii Xarakadu go’aansato inay xisaab-xir samayso ama qiimeyn waa maxay halbeegga ay wax ku miisaami lahayd guul iyo guul-darro, horumar iyo dibu-dhac?.

Waxaa ii muuqatay inay suurtagal tahay in xisaab-xirka xarakadu samayso ama qiimeynteedu ay soo saari karto faa’iido ama ribix gaaraya 1000% ; waayo natiijada soo baxaysa waxay ku xirantahay halbeegga la raacayo ama wax lugu cabbirayo. Soo ma dhici karto halbeeggu inuu noqdo meeshii Soomaali u fayow in laga haleeyo, halkay ka liidateyna looga sii daro?.

Dabcan halbeeggan Ilaah iyo aakhiro kuma jiraan ee aynu ka tusno dhinac ninkii Rabbi hanuun la doonay uu wax uun ku fahmi karo ama taageerayaasha aan weli qalbigu wada angagin dareemi karaan. Raggii xasuuqaan muuqda ama qarsoon bulshada soomaaliyeed ku bilaabay oo horseedka ka ahaa meeye, maxaase ka nool, kuwa noolse maxay ku nool yihiin?, intay noolaayeen maxay xaqiijiyeen oo adduun ama aakhiro anfacaya?.

Habeen dhaweyd nin ii waramay wuxuu ii sheegay in raggii XARAKADAAN aasaasay iyo kuwii ummadda u layn jirey ay noqdeen mid si xun u dhintay, mid si xun u nool, mid Ilaahay nolosha ku fadeexeeyey oo jaajuus gaalo noqday ama horay u ahaa oo hadda daahirsaday.

Wuxuu yiri; Ilaahay baa iyagii isku imtixaanay oo intay is jaajuusaan ayaa gaaladu xasuuqdaa, ka dibna iyagaa is wada tuhma oo kaw isaga siiya, dadweynaha aaggaas ka dhowna way xasuuqaan.

Al-shabaab iyo taageerayaashoodu hadday fahmi waayeen aayadihii Ilaahay, hadday garan waayeen fasaadka ay isku hayaan, ummaddana ay ku hayaan ha ku cibra qaateen cirib-xumada ay kala kulmaan marin-habowga diineed iyo dulmigaay muslimiinta ka galeen.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online